Culimada Gobolka Bari oo aqoon is weydaarsi u qabtay Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika.[Masawiro]

April 17, 2013 - Written by Editor

DSC00242Boosaaso:-Culimada diinta ee gobolka Bari oo todobaadyadii ugu danbeeyey wadey olole ballaaran oo bulshada lagu wacyi gelinayo, ayaa maanta aqoon is weydaarsi u qabtay qaar ka mid ah ardeyda wax ka barata Jaamacadda Bariga Africa oo iyadu ah tan ugu weyn deegaanada Puntland. Aqoon is weydaarsiga oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda waxaa ugu horeyn furay hormuudka Jaamacadda Prof. Cabdi risaaq Hiirad Maxamed, wuxuuna u hanbalyeeyey culimada isagoo ardeydana ku booriyey in ay si fiican uga faa’iideystaan macluumaadka ay aqoon is weydaarsigan ka heli doonaan, noloshoodana ay ku dabaqaan.

Intaas ka dib waxaa labo muxaadaro – oo ku aadan qabyaaladda iyo waxa uu Islaamku ka qabo- jeediyey Sh.Cabdilaahi Cali Shabeel iyo Sheekh C/risaaq Mire Gaataa, Sheekh Shabeel oo isagu hadalka ku horeeyey ayaa hordhac ka bixiyey qabyaaladda iyo waxa ay tahay. Wuxuuna sheekhu tilmaamay in aysan dhibi ku jirin hadii uu qofku qabiilkiisa ku abtirsado, balse uu qabiilku muuqaal kale yeelanayo marka la saaro miisaan aan ahayn kii uu eebo jideeyey, kaasoo ahaa in la isku aqoonsado.

no images were found

“Qabiilku waa sida basasha, haddii hoos loogu dhaadhacana waxaa kasoo baxaya qurun, qabyaaladuna waxay lumisaa mid nimada iyo jiritaanka umadda, sidaas darteed waa in laga guuraa” Sheekh Shabeel ayaa yiri. Sheekh C/risaaq Mire Gataa oo isna intaa ka dib hadalka qaatay ayaa jeediyey muxaadaro kooban oo uu cinwaankeedu ahaa “ qabyaaladda iyo saameynta ay ku yeelatay diinta Islaamka”.
Sheekhu wuxuu ku nuux nuuxsaday sida ay Qur’aanka iyo sunnada nebigu uga digeen si-xun u adeegsiga qabyaaladda iyo weliba in ay tahay cudur haddii uu bulshada galo dhibaatooyin waa weyn dhaxalsiiya. Umadda Soomaaliyeed oo lagu tilmaamo in ay ka mid tahay bulshooyinka ay qabyaaladdu aadka uga dhex jirto ayuu sheekhu tilmaamay in ay xiliyada qaar qabyaaladda darteed sharciga uga leexdaan, arintaasina ay tahay mid aan banaaneyn.
Ugu danbeyntii wuxuu ardeyda aqoon isweydaarsiga loo qabtay ugu baaqay in ay isu xilqaamaan sidii qabyaaladda bulshada dhexdeeda looga tir tiri lahaa, maadaama ay sal u tahay dhibaatooyinka la degey dalka Soomaaliya. Aqoon is weydaarsigan ayaa qayb ka ah barnaamijyo xiriir ah oo bulshada lagagga wacyi gelinayo qabyaaladda, kuwaas oo muddo todobaad ah ka socon doona magaalad Boosaaso, islamarkaana ay soo qaban qaabisay Muassasada Al-Minhaaj.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir.
Boosaaso
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online