Dawladda Biritan oo markii ugu horeysay Safaarad ka furatay Muqdisho

April 25, 2013 - Written by Editor

kulanMuqdisho:-Ka dib socdaalkii oo maanta ku yimid magaalada Muqdisho Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Biritan William Hague iyo wafdi uu horkacayo ayaa waxaa ay Dawladda Biritan shaacisay in ay dib u howgalisay safaaradii ay ku lahaan magaalada Muqdisho ka dib kulamo gooni gooni ah oo wafdiga Hague uu la yeeshay madaxada sare ee DFS.

Dawladda Biritan ayaa 22 sano ka hor ka daadgureysatay magaalada Muqdisho diblomaasiyiintii u joogtay Soomaaliya ka dib markii uu qarxay dagaalkii sokeeyey kaas oo aan dal iyo duunyabada reebin.

Munaasabadda lagu furayay safaaradda dowlada Biritan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha DSF  Xasan Sheekh Maxamuud ,Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon , Xoghayaha Arrimahja Dibadda ee Biritan William Hague iyo dublamaasiyiin kale .

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in dib loo dhagax dhigo safaaradda dowlada Biritan wuxuuna xusay in furista Safaarada Uk ay daliil u tahay in magaalada Muqdisho ay ka jiro nabadgalyo .

Dowlada  Biritan ayaa noqoneysa dowladii ugu horeysay ee reer Yurub ah oo Safaarad ka furta magaalada Muqdisho

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. aad baan uga xumahay in dadka qaarkood ku farxaan warkaas ingiriisku abaal uma dhigan somnalia miyaanu ahayn kii gobol ka mid ah shanta gobol ee ay somali aka koobanthay ee uu tilamaamyo calanka somalia gobol ka mid ah miyaanu siin itoobay ooo maanta lagu magacaabo d.d.somalia ee itoobiya
    tani waxa weeyaan waxa dadka la moodsiinayaa in ay dawladi jirto oo lala shaqaynayo !!
    somaliyeey goormaad hurdada ka toosi oo aad xaqiiqada fahmi

Leave a comment

*