Dawladda Soomaaliya oo deeq hub ah ka guddoontay dawladda Jabuuti (Masawiro)

April 4, 2013 - Written by Editor

SAM_1741_(2)Jabuuti:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta ka guddoomay dawladda Jabuuti deeq hub ah, oo loogu talagalay tayeynta ciidamaday Soomaaliyeed. 

Ra’iisal Wasaaraha oo maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti, ayaa saaka guddoomay hubkan oo ka kooban 50 gaari oo isugu jira kuwa gaashaaman iyo kuwa loo adeegsado xamuulka ciidanka.
 
Munaasabad ka dhacday xarunta ciidamada ee Sheekh Cismaan, ayaa waxaa heshiis ku kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Soomaaliya Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi iyo Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Jabuuti Xasan Dharaar Hufane.[nggallery id=463]
 
“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba” ayuu yiri Mudane Faqi.
 
Ra’iisal Wasaare Saacid oo munaasabadii heshiiska ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay taageeradan hub, sidoo kalena tilmaamay in hubkan loo adeegsan doono si waafaqsan sharciga iyo nidaamka caalamiga ah ee adeegsiga hubka.
 
“Hubkani guud ahaan waxaan u isticmaali doonaa siduu ammaanka dadkayaga u soo geli lahaa gacanta dawladda, waana bilow cusub, waana uga mahadcelineynaa dawladda Jabuuti,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha. Isagoo intaasi ku daray “Waxaan halkan ka cadeynayaa in hubkan aan u adeegsan doono si mas’uuliyadi ku jirto”
 
Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa xafiiskiisa kula kulmay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Jabuuti, wuxuuna kadib soo kormeeray Dekeddaha dalka Jabuuti, isaga oo u kuurgalay qaabka ay u shaqeeyaan dekeddahan, waxayna warbixino ka dhegeysteen maamuleyaasha dekedaha Jabuuti.

Garad Salad Hersi 
Press officer
Djibouti, Republic of Djibouti  

Leave a comment

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online