Dawladda Soomaaliya oo deeq hub ah ka guddoontay dawladda Jabuuti (Masawiro)

April 4, 2013 - Written by Editor

SAM_1741_(2)Jabuuti:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta ka guddoomay dawladda Jabuuti deeq hub ah, oo loogu talagalay tayeynta ciidamaday Soomaaliyeed. 

Ra’iisal Wasaaraha oo maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti, ayaa saaka guddoomay hubkan oo ka kooban 50 gaari oo isugu jira kuwa gaashaaman iyo kuwa loo adeegsado xamuulka ciidanka.
 
Munaasabad ka dhacday xarunta ciidamada ee Sheekh Cismaan, ayaa waxaa heshiis ku kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Soomaaliya Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi iyo Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Jabuuti Xasan Dharaar Hufane.

no images were found

 
“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba” ayuu yiri Mudane Faqi.
 
Ra’iisal Wasaare Saacid oo munaasabadii heshiiska ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay taageeradan hub, sidoo kalena tilmaamay in hubkan loo adeegsan doono si waafaqsan sharciga iyo nidaamka caalamiga ah ee adeegsiga hubka.
 
“Hubkani guud ahaan waxaan u isticmaali doonaa siduu ammaanka dadkayaga u soo geli lahaa gacanta dawladda, waana bilow cusub, waana uga mahadcelineynaa dawladda Jabuuti,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha. Isagoo intaasi ku daray “Waxaan halkan ka cadeynayaa in hubkan aan u adeegsan doono si mas’uuliyadi ku jirto”
 
Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa xafiiskiisa kula kulmay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Jabuuti, wuxuuna kadib soo kormeeray Dekeddaha dalka Jabuuti, isaga oo u kuurgalay qaabka ay u shaqeeyaan dekeddahan, waxayna warbixino ka dhegeysteen maamuleyaasha dekedaha Jabuuti.

Garad Salad Hersi 
Press officer
Djibouti, Republic of Djibouti  

1 Comment so far

Leave a comment

  1. maashaa allaah ilaahay madaxooda ha raajiyo walaalaheenna reer jibuuti, sida hagar la,aanta ah ee ay hubkaan ugu soo direen walaalahooda soomaaliya ee colaadda iyo dawlad la,aantu kala qeybsatey, waxaan alle ka rajeyneynaa in hubkaan uu noqdo mid nabad kusoo dabbaala dalka oo aan kusii kordhin colaado..

Leave a comment

*