Zubeyr Al-Muhaajiri oo qoraal cabasho ah u diray amiirka Al-shabaab Axmed Godane

April 26, 2013 - Written by Editor

copyMuqdisho:-Bogga aljahad.com ayaa waxaa la soo dhigay fariin ku qoran afka Carabiga oo loo dirayo hoggaamiyaha xarakada Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, taasoo uu diray nin lagu magacaabo Zubeyr Al-Muhaajiri,

Zubeyr Al-Muhaajiri, ayaa sheegay in uu ahaa ninkii loo xil saaray dhexdhexaadintii Axmed Godane oo dhinac ah iyo Ibraahim Afgaan, Fu’aad Shongole iyo Mukhtaar Rooboow Abuu  Mansuur oo dhinaca kale ah.

Zubeyr Al-Mujaahiri, ayaa sheegay inuusan jecleyn inuu fariinta noocaan oo kale ah uu banaanka u soo saaro, balse wuxuu intaas ku daray inuu ka fursan waayey oo ay adkaatay inuu toos ula xiriiro hoggaamiyaha Al-Shabaab.

Eedeymaha culculus ee ay fariintu xambaarsan tahay ayaa waxaa ka mid ah

In dhibaato badan ay xarakada ka dhexjirto, balse ay qariyaan.

In afhayeenka guud ee xarakada uu dadka aan Soomaalida aheyn uga been sheegay dhibaatada xarakada gudaheeda ka jirto, isagoo ugu baaqay inay Soomaaliya yimaadeen, balse kuwii horey u joogay ay ka cararayaan, sida Zubeyr Al-Mujaahiri sheegay.

1. In Axmed Godane uu xilkii ka qaaday madaxii golaha Shuurada, cid wada tashi isugu imaan kartana aysan jirin.

2. In dad badan oo aan Soomaali aheyn ay u xirxiran yihiin hoggaamiyaha Al-Shabaab, kuwaasoo qaarkood u dhinteen silic-dilyo, wax Maxkamad ahna aan la saarin, loona oggoleyn in la ogaado xaaladdooda iyo halka ay ku xiran yihiin.

3. In hoggaamiyaha Al-Shabaab uu diiday dhammaan isku dayo la doonayey in amuurahaas wax looga qabto.

4. In hogaamiyaha Al-Shabaab uu farageliyo Mujaahiriinta, ciddii uu doonana uu ka dhex magacawdo.

Zubeyr Al-Mujaahiri, ayaa sidoo kale sheegay in afhayeenka ciidanka Al-Shabaab uu sheegay in qofkii Mujaahir ah ee dalka ka baxa, kuna soo laabta iyadoon Amiirka xarakadu ogeyn inuu yahay Murtad diinta ka baxay!!!!.

In dadka Mujaahiriinta lagu sheego ee xabsiyada qarsoodiga ah laga soo daayo xoolahooda la dhaco oo aan loo celinin, qaarkoodna ay xanuuno halis ah ka soo qaadeen xabsiyada qarsoodiga ah.

Wuxuu kale oo ku eedeeyey in Hoggaamiyaha Al-Shabaab uu ergey khaas ah u dirsaday Mujaahiriinta, kuna amray inay Beyco la galaan, iyadoo qaar ka mid ah Mujaahiriintu ay Beycadaas diideen, wuxuuna intaas ku daray in mid ka mid ah dadka Xabsiyada qarsoodiga ah ka soo baxay uu sheegay in intii uu xirnaa xiliyada qaarkood loo diidi jiray inuu weyseysto oo tukado.

Eedeynta Zubeyr Al-Mujaahiri, ayaa u badan dhibaatooyin uu sheegayo in amiirka xarakadu uu ku hayo dadka dibadaha ka yimaada ee Mujaahiriinta loo yaqaano, isagoo carrabka ku dhajiyey in dad badan oo dibadda ka yimaada ayan waxba kala soconin xaaladda meesha ka jirta oo ay ku soo dagmi karaan.

Wuxuu kale oo sheegay in nin ka mid ah Mujaahiriinta oo dagaal ku maqan xaaskiisa loo daba maray, ninka u dabamarayna uu ka mid yahay ciidanka ammaanka, markii uu damcay in uu Maxkamad ku dacweeyana loo diiday, taasoo ka dhigan in sharciga Illaahay aan lagu dhaqmeyn, wuxuuna intaas ku daray in ninkii sidaas ay ku dhacday uu dalka isaga cararay isagoo baqaya.

Wuxuu kale oo ku eedeeyey in Mujaahiriinta iyagoo Muqdisho ka dagaalamaya dagaalka looga baxay, iyadoo amarkaas uu u muuqdo mid lagu shir qoolayo Mujaahiriinta. Dhibaatooyinka uu wadaadkani ka hadlayo, ayaa ah kuwo horey loo sheegi jiray inay ka dhex jiraan xarakada, waxaana ugu dambeeyey fariin uu dhawaan diray ninka la aaminsan yahay inuu yahay hoggaamiyaha labaad ee xarakada Ibraahim Afgaan, kaasoo uu ka sii horreeyey Abuu Mansuur Al-Amriki. Halkaan ka eeg qoraalkii Ibraahim Afgani

Ugu dambeyntii arrintani ayaa shaaca ka qaadeysa dhibka ay xarakada dhexdeeda ka jira ee ay afkooda ka sheegayaan markhaati ka noqonayo in mid ka badan lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee aan xarakada aheyn, taasoo ay dafiri jireen madaxda iyo taageerayaasha xarakada Al-Shabaab.

Halkan ka Akhriso qeylo dhaanta uu u diray Zubeyr Al-Mujaahiri amiirka Al-shabaab Sh Ahmed Cabdi Godane   ama Halkan PDF

Halgan.net/Somalireal

3 Comments so far

Leave a comment

  1. wax lala yaabo ma aho ,maxaa yeelay mar hore ayaanu ogayn nimanka ashabaaba inay yihiin niman dugsi iyo diin lagu kari waayeey ,ciyaal ku badeed ,caamo ,kuwo qabiil u galay ,kuwo dano aduunyo u kalay,waxaase la yaabanahay nimanka godane ka dhigtay amiir isagoo la ogyahay inuu xoolo mslin ay ku maqayihiin in cadaalad laga sugo

  2. naagihii bay iska qabsadeen taas in dhacayso waa wax cad saa diin kala hagta oo ay ku dhaqmaan mana baran cidii bari lahaydna dil iyo xxabadayay kala hor tageen ala xaladweynaa ku lahaa naagihii ayaan iska qabsanay meshaa dadkii ku lugo ay ii diinta lagu hoday maxay ciil iyo caro qabaan.

  3. Habar baa reer ka waalatay markaas ayaa rati la saaray suu waa la buubay markaas bay tiri waa sidaan rabay oosi lagu daray haatan in ay reer munkar iyo reer shubaho isku dhacaan oo is khilafaan waa sidii umada uslimiinta ah rabtay allaah ha u siyaadiyo hana baabiyo waxii hanuun u harayna ale haka soo dhex saaro.

Leave a comment

*