Digtoor Bashiir Axmed dadkaa u baahane dooxiddiisu dow maaha W/Q Maxamed Nuur Shire

April 23, 2013 - Written by Editor

shbashiirNairobi:-Sh Dr.Bashiir Axmed Salaad dadkaa u baahane dooxiddiisu dow maaha, waa qormo aan kaga faalloon doono  sida Digtoorku muhiimka ugu yahay dadkiisa.Digtoor Bashiir waa kuma ? Digtoor Bashiir Axmed Salaad, sanadkii 1957 dii, ayuu wuxuu ku dhashay deegaanka Magaalada Gaalkacyo, waxaana Sheekhu markii uu dabka ka leex day waalidkiis ku dareen dugsi lagu barto qur’aanka Kariimka ah, dugsigaas ayuuna qur’aanka ku dhammeeyey ilaa 2 jeer.

Sheekhu intii uu Qur’aanka baranayey waxaa sidoo kale waalidkiis geeyeen Iskuul dugsi hoose/dhexe ahaa oo duruustu ku bixi jirtay luuqadda Carabiga, waxaana Iskuulkaas uu ka mid ahaa kuwa hoos imaanayey Jaamacadda Azhar. Sh. Bashiir Muqdisho, ayuu u soo wareegay, halkaasoo uu ka sii watay waxbarashadiisii, ka dibna waxa uu noqday Macalin wax ka dhiga dugsiyada hoose/dhexe.

Digtoor Bashiir, Intii uu Iskuulka dhiganayey iyo intii uu macalinka ahaaba, waxa uu Tafsirkaa qur’aanka ka raacan jiray Masaajid ku yaaladay degmada X/weyne, halkaasoo uu darsi ka akhrin jiray Sh. Maxamed Macalin Allaha u naxariistee, waxaana Sheekha sidaas kula taliyey Aabbihiis Axmed Salaad. intaa ka dib Digtoor Bashiir waxaa uu ka mid noqday jamaacadii lagu magacaabi jiray Al-Ahal, iyadoo markii dambena uu ka mid noqday jamaacadii Al-Itixaad Al-Islaami goleheeda dhexe, isagoona madax mar uga ahaa gobolka Banaadir.

Sheekhu wuxuu sii watay waxbarashadiisii, isagoo galay Jaamacaddii Lafoole, kana qalin jibiyey.  sanadkii 1984 ayuu wuxuu waxbarasho u aaday jaamacad ku taala dalka Ciraaq, halkaasoo uu ku diyaariyey Shahaadada Master, isagoona ku soo takhakhusay Taariikhda Islaamka.

Muqdisho, ayuu ku soo laabtay, wuxuuna lix bilood wax ka dhigayey Jaamacadda Lafoole, isagoona 1988 dii, aaday dalka Pakistan, halkaas ayuu shahaado kale oo Master ah ku diyaariyey, wuxuuna sidoo kale macalin ka noqday Jaamacad, iyadoona uu mar ka noqday madaxa kuliyadda Xadiithka.

Sheekhu intaas oo dhan waxa uu ka shaqeynayey sidii umadda loo bari lahaa diinteeda iyo dhaqankeeda wanaagsan, iyadoona dadka Sheekha cilmigiisa ka faa’iideystay ayan Soomaali kaliya aheyn ee uu wax ka soo dhigay dalalka Pakistan iyo Malesia. Sheekhu dalka ayuu ku soo laabtay xiligii Maxkamadaha Islaamiga ahaa ay soo baxayeen, waxaana sanadkii 2008 dii loo doortay guddoomiyaha jamaacada Al-Ictisaam, hal sano ka dibna waxaa loo duubay guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

Dabeecadda Sheekha.

Sheekhu waa nin Xishood badan aad dadka u sharfa, waxaana dabeecadihiisa wanaagsan ka mid ah inuu aad u deggen yahay oo uuna deg deg badneyn.

Digtoor Bashiir wuxuu leeyahay Khibrad badan oo ku saabsan ka shaqeynta diinta, isagoona noloshiisa oo dhan ku soo qaatay barashada iyo baridda shareecada Islaamka. wuxuu kale oo Sheekhu aad u yaqaanaa jamaacaadka Islaamiga ah, isagoona intii uu dibadda ku maqnaa uu afkaar badan wax ka soo ogaaday, qaarkoodna uu wax badan ka akhriyey.

Argtida Sheekha.

Digtoor Bashiir, wuxuu qabaa in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad Muslimiin ah, isla markaasna in la ilaaliyo ay ka mid tahay waxyaabaha ay shareecadu u soo degtay, wuxuuna aragtidaas la wadaagaa Culimada Soomaaliyeed intooda badan.

Mar aan Sheekha la sheekeystay dad kalena ay uga markhaati kaceen, Sheekhu wuxuu qabay in Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee 2006dii, soo baxay dhinacooda wanaagsanaa laga faa’iideysto, balse su’aalo badan la iska weydiiyo, maadaama ayan ku imaanin waddo aad looga soo baaraan degey ee ay iska ahaayeen kacdoon.

Sheekhu waligiis qori ma qaadanin, intii dagaaladii sokeeye dhacayeenna dalka waa ka maqnaa, laakiin waa geesi aan aragtidiisa la gabban, waxaana uu ka mid yahay Culimada in Al-Shabaab qalooc ku jiro horey u aragtay, iyadoona Culimo uu ka mid yahay ay 2008dii  Muqdisho ka bilaabeen Muxaadaraad ay waxa khaldan ku iftiiminayeen, sidoo kale waxaa uu qoray maqaalo uu ka mid yahay qoraal cinwaankiisu ahaa ” Colka waraf ma lagu dayay”  Halkan ka akhri.

Jawaabo ku socda kuwa Digtoorka Dooxiddiisa u duuban

Maadaama aan Illaahay simin caqliga, cilmiga iyo waaya aragnimada dadka: ayaa waxaa aad u badan dadka ku haliila Digtoor Bashiir, iyadoo waxa loogu dow galay ay tahay ” muxuu  u xiran waayey Ookiyaalaha aan xirannahay” haddii aan si kale u dhigana waxaa Sheekha iyo Culimada kale qaarkood lagu haystaa waa” barbarka aan wax ka arko adna ka arag, haddii kale waxaad tahay Sheekh xun” qoraha maqaalkanna wuxuu dadkaas ku leeyahay ” war Digtoorka iyo idinku isku meel wax kama arki kartaan, wuxuu gashan yahay  Ookiyaalo ka aragti dheer midka aad wax ku aragtaan”.

Dadkaas aragtida yar ee Sheekha dura, dilkiisana u darban ayaa  waxa ay aalaaba cuskadaan arriimo ay ka mid yihiin:-

1- Digtoor Bashiir wuxuu ka soo horjeedaa Jihaadka

2-Digtoor Bashiir wuxuu ku hoos nool yahay AMISOM

1-Digtoor Bashiir  wuxuu ka soo horjeeda Jihaadka

Waa eedeyn aad u culus balse aan xaqiiq ku dhisneyn, marka aan isla aragno bal in wax la cuskan karo ay meesha yaallaan. Jihaadku waa qeyb ka mid ah diinta Islaamka, waxaana Rasuulku (SCW) ku sheegay inuu yahay baarka ugu sareeya ee Diinta Islaamka, qofkii jiritaankiisa diidana wuxuu kaga bixi karaa moorada Islaamka, maxaa yeelay wuxuu inkirayaa aayado iyo axaadiith badan oo ku soo arooray.

Marka ay qolyahan guriga aan dadka laheyn dhistay ay  leeyihiin Sheekhu Jihaadka ayuu ka soo horjeedaa malaha ma dareensana inay ku hadaaqayaan wax diinta loogu baxo oo ay ku tuurayaan Sheekha iyo Culimada kale ee duriddooda Illaah u dhawaasho laga dhiganayo, waxaana waayadan caadi noqotay in qofku uu soo halgaado kalimad ay khatari ka dhalaneyso, isagoo u haysta inuusan waxba bi’inin.

Xalay caawa u ‘ekaa

Haddii qofi  yiraahdo Salaadda sidan looma tukado, ama sidan Nabiga looguma saliyo, qofkaasi kama soo horjeedo salaadda, iyo saliga Nabiga (SCW) ee waxaa mudan in laga hadlo qodobada lagugu haysto sax miyaa mise waa lagugu xadgudbay?, taas ayaa dooddu ka furan tahay, balse ma habboona inaad qofkaas dusha u saarto wax uusan aaminsaneyn, maxaa yeelay ka soo horjeedka arrimaha aan soo xusay dhamaantood waa wax moorada looga baxo.

Marka aan soo kufiyo qodobkan: Digtoor Bashiir  kama soo horjeedo Jihaadka, kamana soo horjeesan karo ee Eedeeyayaasha  ayaan malaha fahansaneyn waxa Digtoorku  ka hadleyo, wayna dhici kartaa inay xaqiiqada sidaas ula socdaane ay maaweelinayaan dad ay mar hore been u sheegeen.

2- Digtoor Bashiir wuxuu ku hoos nool yahay AMISOM.

Qodobkan tiir adag kuma taagna, kii isaga ka horreeyey ee aan soo dhaafnayna wax ba kuma dhaamo. sida dad badani la socdaan Digtoorku marka uu Muqdisho joogo hal ama laba wiil oo Soomaali ah ayaa ilaaliya, mana jiro hal gaari oo kale oo la socda, isaga iyo wiilka la socda iyo darawalkiisa halka gaari ayey isugu tagaan, marka ma wiilashaa AMISOM ah? mise gaariga ayey u jeedaan? mise Darawalka Sheekha ee la garanayo ayaa Kampala iyo Bujumbura ka yimid?

Intaas marka laga soo gudbo, sow kan dilkiisa aad ku baaqeysaan!!!!

Sow tan Culimadii ay asaxaabta ahaayeen masaajid gudihiis iyo iyagoo ka soo baxay dad diin sheeganaya ay tooganayaan!!!

In qofku meeshuu ku noolaan karo joogo maxaa ku jaban?!!!!!

Meyeyan qolyaha qurbaha ka qeylinaya qaarkood meelaha AMISOM ka timid ku nooleyn? Mise Minneapolis, London, Nairobi iyo Kampala ayaa Muqdisho ka mudan in lagu noolaado?

 Su’aalo isweydiin mudan

Sheekha iyo dadka noociisa ah baahi intee le’eg bay bulshadu u qabtaa?

Intee waqti le’eg ayey inaga qaadaneysaa inaan soo dhisno ashkhaas sidiisoo kale ah?

Wiilasha ugaarsanaya Sheekha iyo Culimada asaxaabtiisa ah ma inoo buuxin karaan booskooda?

Dooxidda Digtoor Bashiir diin ma u gargaareysaa?

Culimadii horey loo dilay maxaa laga faa’iidey oon khasaare aheyn?

Ilaalinta dhiigga Culimada iyo guud ahaan Muslimka diintu waa diiddayee ma mid banneyneysaa timid?

Digtoor Bashiir haddii la dooxo manhajka iyo aragtida uu qabo ma joogsaneysaa?

Ugu dambeyntii: Digtoor Bashiir tan iyo intii uu dab ka leexday wuu tukanayey, salaad walbana waxaa ku jirta in la qiro towxiidka. wuu soomayey. wuu xajiyey. ku dhawaad 50 sano ayuu diintaan ka soo shaqeynayey. isaga iyo inta yar ee la nooca ah in la dooxo dow maaha, diin Illaahna sidaas loogu gargaari maayo. haddii Diinta ay gargaar u noqoneyso in la boqno gooyo kuwii bartay, wax macno ah ma yeelaneyso in la barto, caqliga caafimaadka qaba ayaanna oggolaan karin in indhaha laga rido umadda.

Digtoor Bashiir Dadkaa u Baahane Dooxiddiisu Dow Maaha.

W/Q:  Maxamed Nuur Shire

mnuur10@gmail.com

2 Comments so far

Leave a comment

  1. DADKAA U BAAHANE DITOORKA DOOXIDIISU DOW MA LEH WAA XIGMADA CAJIIB A

    AS, Allaah ayaa mahad u sugnaatay naga soo dhex saaray in badan oo wax garad iyo damiir islaannimo qalbigooda buuxisay.

    Walaalka maqaalka soo qoray Allaah haku xifdiyo dareenkaaga sere diinku ku dheehantahay Ale hakuu siyaadiyo inbadan oo adiga oo kale ahana Aleeha hanoo daayo hana noo barkeeyo.

    Wa maqaal muhiim ah waxaasE aad aniga ii cajb geshay saad u asiibtay ciwaanka maqaalka wax badan oran maayo aan ka ahayn sheikh Allaah ha xifdiyo hana dhowro abaalkiisana janada allaah haka dhigo, cadowga dhagarta la raadinaayana Allaan uga dacwoonay waxna yeeli mayaan sida ale inoo sheegay iyagaa is duleynaaya.

    ugu danbeentii ciid hanuun ale la maagay Allaah ha soo hadeeyo ciduusan la maagina umada allaah haka dhex saaro.

  2. Waa qormo qiimo badan walaalka qoreyna kheyr Allaha ka siiyo si wanaagsan oo cilmiyeeysan iyo waliba Af Soomaali si fiican loo fahmi karo ayuu noogu soo gudbiyay, laakiin jawaabtu waxay tahay wax badan ayaa maqaalo la qoray ama Muxaadaraad arimahaan ka hadlayo culimada iyo dadka indheer garadka ahba soo jeediyeen ee wax ma lagu qaatey. Mise xaalku waa Nin meele u cadahay meeli ka madow arinkuna wuxuu isugu soo biyo shumayaa Waaba hadaan kaa dhageysto waxa aad sheegaysid.Tubta toosan iyo tawfiiqda Allaha na waajajiyo. AAMIIN:

Leave a comment

*