Dowllada Talyaaniga oo ilaa 15 baabuur ugu deeqdat ciidanka Booliska ee Puntlland

April 21, 2013 - Written by Editor

boolisplGaroowe:-Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa ilaa 15 gaari oo kuwa ciidanka Booliska ah waxaa uu kala wareegay dowllada Talyaaniga iyadoo gaadiidkaan lagula kala wareegay ay ka dhacday xarunta Idaacadda iyo Tv-ga Dowllada Puntlland ee dhawaan laga furay magaalada Garoowe. Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxda ugu saraysa ee Dowllada Puntlland gaar ahaan Madaxweynaha Puntlland Dr. Cabdi raxmaan Faroole iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire,,Gudoomiyaha Baarlamaanka  Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,Wasiiro ,Xildhibaano ,Taliyaasha kale duwan ee ciidanka Booliska.

Dhinac Dowllada Talyaaniga ayaa waxaa munaasabada ka soo qayb galay wakiil ka socotey safaarada Italy Carlotta Wolf,  Carlotta Wolf ayaa waxaa ay ku soo wareegtay xarunta cusub ee Idaacadda iyo Tv-ga dowllada Puntlland oo ay dowllada Talyaanigu ay maalgelisay waxaan ay xustay in dowllada Talyaaniga ay diyaar u tahay in ay Puntlland ay ka saacido kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhinac amniga.

no images were found

Madaxweynaha dowllada Puntlland ayaa markii uu la wareegay  gaadiidka  deeqda ah ayaa waxaa uu mahada balaaran u soo celiyey dowllada Talyaaniga isagoo uga mahad celiyey sidda dowllada Talyaanigu ay ugu heelan tahay wax u qabashada dalka Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan Putlland.

Madaxweynaha Puntlland ayaa sheegay in gaadiidka ciidanka Booliska loogu deeqay ay yihin ilaa 15 baabuur oo ay ku rakiban yihiinn qalab is gaarsiin casri ah oo si toos ah ula shaqayn doona Saldhigyada kale duwan ee ciidanka Booliska ku leeyihiin degaanada Puntlland  arrinkaas oo uu xusay in ay tahay arin  wax weyn ku soo kordhin doonto kala warqaadashada dhinac sirdoonka laamaha amaanka iyo Saldhigyada ciidanka Booliska ee ku yaal degaanada Puntlland


M_M_Deeq
Halgan.net 

 

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online