Guddiga doorashooyinka Puntland oo shaaciyey xiliga la qabanayo doorashooyinka Golaha degaanka.
April 15, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Guddiga doorashooyinka dowlada Puntland ayaa maanta waxaa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay xiliga loo asteeyey doorashooyinka golaha degaanka xiliga ay ka dhacayso Gobollada Puntlland. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Dr.Maxamed Xassan Barre oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntlland waxaa uu shaaciyey in 30-ka June,2013 ay tahay maalinta loo qoondeeyey in ay degaanada Puntlland ay ka bilaabato doorashooyinka golaha degaanka.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Dr.Maxamed Xassan Barre ayaa sheegay in gudigoodu ay arrinka ay maanta ku dhawaaqeen ay ka shireen ka dibna ay u gudbiyeen Madaxweynaha dowlada Puntlland Dr C/raxmaan Faroole isagana uu ka aqbalay xiliga loo asteeyey in la qabto doorashooyinka Golaha degaanka.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Dr.Maxamed Xassan Barre oo wax laga wiidiiyey 2-da urur mucaarada ee Midnimo iyo Udad oo iyagu qaadacay in ay ka qayb galaan doorashooyin ka golaha degaanka ayaa waxaa uu sheegay in ay iyagu u madax banana yihiin in ay doorashooyinka, ka qayb galaan iyo inay ka baaqsadaan balse waxaa uu xusay in guddiga doorashooyinka ay la shaqayn doonaa haddii ay ka qayb galayaan doorashooyinka Golaha degaanka.
M_M_Deeq
Halgan.net