Guddiga doorashooyinka Puntland oo shaaciyey xiliga la qabanayo doorashooyinka Golaha degaanka.

April 15, 2013 - Written by Editor

guddoomiyeGaroowe:-Guddiga doorashooyinka dowlada Puntland ayaa maanta waxaa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay xiliga loo asteeyey doorashooyinka golaha degaanka xiliga ay ka dhacayso Gobollada Puntlland. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Dr.Maxamed Xassan Barre oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntlland waxaa uu shaaciyey in 30-ka June,2013 ay tahay maalinta loo qoondeeyey in ay degaanada Puntlland ay ka bilaabato doorashooyinka golaha degaanka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Dr.Maxamed Xassan Barre ayaa sheegay in gudigoodu ay arrinka ay maanta ku dhawaaqeen ay ka shireen ka dibna ay u gudbiyeen Madaxweynaha dowlada Puntlland Dr C/raxmaan Faroole isagana uu ka aqbalay xiliga loo asteeyey in la qabto doorashooyinka Golaha degaanka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Dr.Maxamed Xassan Barre oo wax laga wiidiiyey 2-da urur mucaarada ee Midnimo iyo Udad oo iyagu qaadacay in ay ka qayb galaan  doorashooyin ka golaha degaanka ayaa waxaa uu sheegay in ay iyagu u madax banana yihiin in ay doorashooyinka, ka qayb galaan iyo inay ka baaqsadaan balse waxaa uu xusay in guddiga doorashooyinka ay la shaqayn doonaa haddii ay ka qayb galayaan doorashooyinka Golaha degaanka.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online