Guddoomiyaha Hay,adda culimada Soomaaliyeed iyo wafdi culimo ah oo soo gaaray Nairobi

April 11, 2013 - Written by Editor

shbashiirNairobi:-Guddoomiyaha Hay,adda culimada dalka Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo wafdi culimo ah oo uu hogaaminayo ayaa socdaal dacwo ku soo gaaray saaka magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Sh. Bashiir Axmed Salaad ayaa la filayaa in ay maalmo joogaan magaalada Nairobi ay muxaadaraad kale duwan iyo towjiihaad ka jeedin doono masaajidda ay jaaliyadda Soomaaliyeed ku leeyihiin magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ay horay ugu qorshaysnayd inuu booqasho dacwo ku tago dalalka Afrikada Bari ayaa maanta ka dhoofay gegida diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana garoonka ku sii sagootiyey culumo iyo ducaad ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaab wassunnah Sh. Axmed C/samad iyo madaxa xafiiska Buxuuth-ta iyo Fatwada ee Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh. Maxamuud Axmed Xasan (Abuu shayba).

Guddoomiyaha Hay,adda culimada dalka Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa dhawaan ka badbaaday isku dil ka dib markii weerar lagu qaaday gaari uu Sheekhu watay oo marayey jidka Taleexa ee degmada Hodan wallow Shiikh iyo culimadii la socotey aysan waxba gaarin.

Guddoomiyaha Hay,adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir  Axmed Salaad  ayaa la filayaa inta uu joogo magaalada Nairobi  ee caasimada dalka Kenya in lagu sameeyo baaritaan dhinaca caafimaadka ah si loo hubiyo in Shiikha caafimaadkiisa qaraxii lala beegsaday uu wax u dhimay iyo in kale

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online