Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay Nairobi (Daawo)

April 11, 2013 - Written by Editor

IMG_1838[1]Nairobi:-Guddoomiyaha hay’adda culimada soomaaliyeed ahna amiirka Jamaacada al ictisaam bil kitaab wassunnah Sheekh Bashiir Axmad Salaad ayaa galabta si nabad galyo ah ku soo gaadhay magaalada Nairobi, sheekha waxaa garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyata ku soo dhoweeyay culimada iyo ducaadda ku sugan magaalada Nairobi.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo maanta galinkii hore ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa shir jaraa’id oo uu galabta Nairobi ku qabtay waxaa uu saxaafadda u sheegay in u jeedada socodkiisu ay tahay in uu caafimaadkiisa hubiyo wuxuuna sheegay in dad badani kula taliyeen arrintaas ka dib isku daygii dilka ee uu ka badbaaday, sidoo kale wuxuu sheekhu saxaafadda u sheegay in uu ka qayb qaadan doono intii tabartiisa ah howlaha dacwada inta uu waddankan joogo
magaalada Nairobi.

Sheekhu isaga oo ka hadlayay qarixii lala beegsaday wuxuu sheegay in qaruxu ka dhashay waxyaabaha qarxa oo kursiga gaadhigiisa lagu rakibay , wuxuuna sheegay in ilaahay qaraxaas ka badbaadiyay wax dhib ahna aanu hadda dareemey nin, wuxuuna sheekhu tilmaamay in qaraxan lala beegsaday uu qayb ka yahay gumaadka lagu wado waxgaradka bulshada soomaaliyeed culimo iyo caamaba, wuxuuna sheekhu sheegay in weerarka culimada lagu hayo iyo cabsi galintu ayna keeni doonin in ay ka gaabiyaan waajibka ka saaran caddeynta xaqa iyo bayaanintiisa, sidoo kale wuxuu sheekhu sheegay in ummadda iyo waxgaradkeeda aan la dhammeyn karin ee ay baaqi noqon doonaan, dadka gumaadkaas wadana ay iyagu dhammaan doonaan.[imagebrowser id=476]

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay Sheekh Xassan Maxamed Ibraahim  ( Abuu Xassaan) oo ka hadlay sida ay ducaadda iyo culimadu ugu faraxsanyihiin in ilaahay sheekha shirqoolkii shabaab ka badbaadiyay,sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay ku faraxsanyihiin in sheekhu Nairobi nabad ku soo gaadhay, waxaa kale oo uu tilmaamay in dadka xujadoodu tahay waan ku dilayaa ayna wax daliil ah  haysanin xaqna ayna difaacey nin haddii ay xaq hayaanna xujada xujo ayey kaga jawaabi laheeyeen ee xabbad iyo qarax kagama ayna jawaabeen, wuxuuna adkeeyay in jidkaasi uu yahay kii Ahlu baadilka ee laga dhaxlay fircoonkii nabi Muuse ku yidhi waan ku xidhayaa markii uu xujo uu cuskado waayay, iyo qaabiilkii haabiil ku yidhi waan ku dilayaa markii uu wax daliil ah waayay.

Hoos ka eeg Shirka jaraa’id ee uu Sh Bashiir ku qabtay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya

Halgan.net/Somalichannel Tv

Leave a comment

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online