Idaacad ku hadasha Afka- Dowllada Puntlland oo la filayo in xariga laga jaro

April 10, 2013 - Written by Editor

IdaacadGaroowe:-Waxaa maanta la filayaa in si rasmi ah uu Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole  uu  xariga ka jari doono  Idaacad ku hadasha Afka dowllada Puntlland , Xafladaan xariga looga jarayo Idaacadaan ayaa waxaa ka soo qayb gali doona  sidoo kale Madaxweynaha ku xigeen dowllada Puntlland Gen. Cabdisamad Cali Shire  iyo masuuliyiinta  ka tirsan 2-da Gole ee ay ka kooban tahay dowllada Puntlland.

Dhismo weyn oo loo sameeyey Idaacada ku hadasha afka- dowllada Puntlland ayaa waxaa  maal geliyey dowllada Talyaaniga  , Dhismahaan oo ay ku baxday lacag aad u fara badan ayaa bilihii u danbeeyey dhismaheedu waxaa uu ka socday magaalada Garoowe ee xarunta Puntlland. Dowllada Puntlland ayaa waxaa la filayaa in maalmaha ama bilaha soo socda ay hawada soo geli yaan Teleefishin  iyo Radio  ku hadla afka- dowllada , Madax weynaha Puntlland Dr .Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa uu bilo ka hor sheegay in dowlladiisu ay hirgelin doonto  Idaacad iyo Teleefishin ku hadla Afka- dowllada ayna maalgelin doonto dowllada Talyaaniga.

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa insha Allaahu

M_M_Deeq
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. aad ayaan ugu baahnayn codka punt land way mahadsanthay xukuumaddu

  2. sory raali galin ayan ka bixinayaa magaca warqabadka ayan qalday halgan .

  3. Acw. wan adin salamaya bahda warbaahinta daljir wxn idin weeydiinayaa Tv puntland ma international miyaa oo calamka oo dhan laga daawanayo miyaa mise wa local oo puntland ama somalia oo kaliya ku kooban plz iiga soo jawaba idinkoo iga raali yah mahadsanidin

Leave a comment

*