Ilaahow Majeerteen ha ka dilin Sheekh C/qaadir! W/Q: Sh. Axmed Cabdisamad.

April 1, 2013 - Written by Editor

Maqaal-300x158Boosaaso:-Waxay ahayd xilli xaj oo aan Makka joogno. Sheekh C/qaadir iyo Sheekh Abuu xassaan ayaan isu raacnay maktabado ku yaal agagaarka jaamacadda Ummul quraa ee xaafadda Caziiziya, kolkii aan ka soo boganayna waxaan dib ugu soo noqonay halkii Sheekhu daganaa. Kolkii aan gaariga ka daganay ee aan wadada goynayney ayaa nin khamraysan Sheekhii gaari ku dhuftay.

Waxaan ku warhelnay jugta iyo Sheekhii oo dhulka yaal oo indhihii rogmeen oo aan wax dhaqdhaqaaq ah lahayn. Xagga isbitaalka ayaan Sheekhii ula cararay, Sheekh Abuu xassaana kii ayuu iska laalaadiyey ilaa uu ku hubsaday gacanta booliska.

Meeshu waxay ahayd ka soo horjeedka suuqa Safaa oo Soomaalidu aad u dagantahay. Markiiba warkii magaalada ayuu galay. Sheekh C/qaadir wuxuu ahaa nin da’ ah oo jirroole ah oo aad u tabar-daran, markii gaarigu ku dhacay iyo sida xaalkiisu ahaana dad baa arkayey; sidaa darteed waxaa loo badinayey inay tiisii tahay.

Ragga Makka joogay oo warku degdegta u gaaray waxaa ka mid ahaa Sheekh Daahir Aw Cabdi oo Sheekha aad u jeclaa, saaxiibtinimo dheerna ka dhaxaysey. Markiiba Sheekh Daahir waxaa usoo degdegay kaalinta Sheekh C/qaadir banaynayo, wuxuuna yiri: Ilaahow Majeerteen ha ka dilin Sheekh C/qaadir Shiikh kale ma haystaane!.

Sheekh C/qaadir ma ahayn Sheekh Majeerteen ee wuxuu ahaa Sheekh Soomaaliyeed laakiin Soomaalidu waxay tiraahdaa “dheri ninkii u dhow ayaa lafta kala baxa”. Sheekh C/qaadir haddii uu marxalado la soo maray Soomaali oo dhan daaci iyo macallin u soo ahaa intii la kala qaxay waxaa saldhig u ahaa deegaan majeerteen, cidda u badan ee ku intifaacdana ayaga ayay ahaayeen.

Dhinac kale marka laga eego Majeerteen culumo kale way leeyihiin ee Sheekh Daahir wuxuu ka eegay in aan isaga oo kale u joogin iyo, miisaanka uu ku dhexlahaa reerka iyo saamaynta dhinac walba ah ee uu ku lahaa. Waxaa intaa dheeraa deegaanka uu la daganaa ee uu u taagnaa ka hortagista iyo xallinta wixii mushkilad ah ee dadka iyo dalka ku habsada ama ku soo fool leh.

Haddaba Sheekh C/qaadir ka dhimaye maxaa la gudboon Majeerteen?

Ugu horayn waa la ila fahmayaa in hadalku Soomali oo dhan u socdo gaar ahaan dadka dacwada iyo hagaajinta bulshada ku hawlan ee aan cinwaanka qormada raacayo. In hadalku caam yahayna ma diidayso in xil gaar ah saaran yahay qoyska Sheekhu ka dhashay iyo deegaankii sida gaarka ah sannadahaan dambe Sheekha uga faa’iidaysan jirey. Intaa ka dib aynu soo bandhigno qaar ka mida waxyaabaha ina la gudboon:

1. Waxaa jira rag badan oo diinta aqoon wanaagsan u leh, kuwaas oo dibad iyo gudaba jooga laakiin aan sidii la rabey isu saarin xilka dacwada ama aan isu dhigin sheekhnimo ama daacinimo. Waxaa laga yaabaa inay habdhaqankaas ugu wacnayd culumadii iyaga wax soo bartay oo tiro badan ku joogey oo ay is lahaayeen waa la idinka mudanyahay ama la idiin ma baahna. Tillaabada ugu horaysa waa in raggaas gartaan inay taaganyihiin booskii Khaalid Ibnu Al-waliid markii duullaankii Mu’tah la dilay seddexdii Amiir ee nabigu NNKH  soo magacaabay ee raggaasi sidii Khaalid ha yeeleen ama …

2. Sheekh C/qaadir isaga oo ka da’ weynaa, kana aqoon badnaa raggii ay dacwada ka wada shaqaynayeen ayuu abaal weyn u hayey. Wuxuu oran jiray raggaas waxa aan u taray waxaa ka badan waxay ii tareen. Wuxuu yiri: haddii aan Ilaahay raggaas walaalaha ah isiin waxba ma noqdeen, waxaan noqon lahaa oday la fariista odayaasha Ciise Maxamuud (qoyska sheekhu ka dhashay). Wuu jeclaa raggaas ducaada ah ee cilmi ahaan iyo da’ ahaanba uga yaraa, wuuna qadarin jirey.

Haddaba ragga badalaya sheekha iyo jiilkiisii oo la doonayo inay kaalintoodii buuxiyaan waa inay noqdaan rag is jecel, is qadariya, isku kalsoon, iskuna xiran.

3. Sheekh C/qaadir wuxuu ahaa mawsuuca xagga cilmiga iyo xagga waxqabadka oo funuunta cilmiga sharciga iyo luqada carabiga wuu akhrin jirey, dhinacyada bulshadu waxqabadka uga baahantahayna wuu ka wada hawlgali jirey. Wuxuu oran jirey anigu waxyaabaha maamulka ah kuma fiicni. Mugga haddii raggaas culumada ah aanu ku jirin nin hadda furimihii Sheekhu baneeyey wada buuxin kara waa rag ninba furin ama furimo ku aado ee ha isu qaybiyeen oo yaanay soo bixin: sidii sheekhii loo dilay furintaan way bannaanayd.

Qormooyin kale ayaan ku falanqayn doonaa dhinacyo kale oo arrintaan la xiriira ee maanta intaa ha inoogu joogto.

W/Q:  Sh. Axmed Cabdisamad

10 Comments so far

Leave a comment

  1. bismilaah,sheekh c/qaadir nuur faarax qabrigiisa ilaahay ha u nuuriyo hanna u waasiciyo,aamiin teeda kale waxaan sheekh cabdi samad inuu asaga naftarkiisa uu ku soo fooraro booskii umadda ku wada nool puntland loona baahanyahay inuu buuxiyo boosaskii laga dilay labadda sheekh rixumuhumulaah,uuna soo saaro jiil adag oo isku xiran iskuna hadaf ah laguguna xasuusto hadaad noolaato ama dhimato sida ay xasuus oga tageen labada wadaad iyo asxaabtii rasuulka,cilmikiina ilaahay ha ku anfaco deegaankiina iyo umadda soomaaliyeedba aamiin.

  2. ilaahoow unaxariiso sheikh abduqadir ilaahow qabriga unuuri ilaahoow kitaabkiisa midigta kasii ilaahoow culumadena janada ku kulmi ilaahoow kuwii dhintay iyo kuwa nool ba danbigooda iyo kii waalidkoodba dhaaf walaahi waa maqaal murug igu beeray indhahaygana ay ilma kusoo istaagtay markaan akhrinayay ma qof ladiluu ahaa alla ma qof gacan loo quuruu ahaa arxaan lawayaashii maleegay ilaahay ha halaago waa jeclayn sheikheena alla laakiin tiisaa dhamaatay layskuna dayn maayo naftan ilaahoow khaatuma wanaagsan nagu dil Aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin yaaa Alaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaah

  3. Asc.
    Sh. Baarakallahu fiik. Qormadan waxay igu kicisay uurkutaallo, dhanka kalena waxay dib qalbigayga ugu soo noolaysay xusuusta Sheekha. Anigu Sheekh C/qaadir muddo 2 usbuuc ah ayaan meel kula noolaaday nasiibkayga. Taas oo waliba ka mid ahayd waqtigii noloshiisa ugu dambeysay. In kasta oo aan mar walba ixtiraam iyo qadarimba u hayey haddana markii aan la kulmay waxaan jeclaaday jacayl aanan qof kale u hayn. Waxaan kala qayb galay kulammo uu dadyow kala duwan la lahaa. Waxaan xaadiray duruus kala duwan oo uu bixinayey. Waxaan isku ciil kaambiyey in aan fursad iska dayaycay oo ay ahayd in aan mar hore khaadim u noqdo oo cilmiga, garashada iyo geesinnimada ilaahay siiyey ayaad wax uun ka qaadan lahayd.
    Si kastaba ha ahaatee raqba waa ku raggeedee sida aad sheegtay Sh. Axmed waa lagama maarmaan in booskaas rag ummadda u gala la helaa oo ummaddan daacad loo noqdo الدين النصيحة ثلاثا قلنا لمن يا رسول الله قال لله ولكتابه ولرسوله ولأئمة المسلمين وعامتهم amaahdeedii dib loogu soo celiyo.
    Ilaahay ha idin garab galo annaguna waa idin maqlaynaa insha Allah.

  4. Allah u naxariisto sheikh waxuu ahaa sheikh dadka muslimka ah ka geeriyoodey ee allah ka waraabiyo sheikh majeerteen waa qabiilka ka mid ah qabiilad somalida dhalashaan lama diida waxey ku fiicaneeda in laguu qoro maqaalka ama ilahayoo sheikh umad muslimka haka qaadin ducada reer kaliixa uma eheen sheikh ee waxuu wax soo baray umadoo ka baxay badal qeyr leh allah siiyo

  5. Sheikh Axmed Cabdisamed Allah haku dhowro hana ku xifdiyo waxaa ku soo is taagay indhahayga ilin markaan arkay qoraalkaaga waxad cabiritay dareen jira iyo xanuunka noo gaarka ah ee dheertahay reerka sheikh umada somaaliyeed waxaa nagu dhacay labo geriyaad waxaan kaaga mahad celin dareenkaaga iyo geesinimadii aan kugu naqaaney oo aad cilmiga ku cabirtay ducadaada Allaah hanoo aqbalo inbadan oo dareen kaaga oo kale leh allaah hanoo badiyo walaalha soo qoraaya sheikh yaan loo tiirin reer taas waxaan qabaa fikir idiin gaar ah qof walbaa waxuu ka dhashay qabiil waana wax ale u doortay waxaase xun in loo adeegsado si aan diinta raad iyo sal ku lahayn waxa ceeb ahna ma ahan in loo duceeyo rugtii iyo raaskii uu sheikhu ka dhex baxay waana wax aan umada xaq ugu leenahay maalintii shuukhdeeni shihideen ilaa maanta xanuun ayaaan i haya meel jirkayga xanuunin garn maayo biyaha waa cabaa balse oonka igama bi’yaan cuntadana gaajada igama biso, sheekh Axmed samed Allah hanoo badiyo adiga iyo inta kula mid ah ee culimadii noo barbaarsheen dhamaan muslimiinta allaah ha xifdiyo culimadeena meel walba ay jogaan allaah hanoo xifdiyo hana noo dhowro.

  6. Allah ha u naxaristo qabrigisa u nuriyo o u wasiciyo amiin aaniin yaa rabal caalamiin

  7. shikh ahmed qayr alaha kusiiyo waxaad na xasuus sisay kalintayadii insha alaaha waa buu xinaynaa booskii shiikha cidkastoo shiikha wax kabaratayna xaq baa saran hadan nahay rer garowo shiikhu wuxuu uGu kalsoona shikh maxamud oo ah gacantisii midig marka buntunald ahan ayaan u buuxin doonaa insha alaa

  8. Allow u naxariiso SHeekh c/qadir, khalaf khayr qabana noogu badal.

  9. Assalaamucalaykum dhamman akhristayaasha halgan iyo sheekh Axmed.
    Marka hore ilaahay sheekh c/qaadir qabriga ha uga dhigo Guri Iftiimaaya, jannatul firdowsana hagaliyo,amiin.
    Tan labaad Sheekh c/qaadir Booskiisii ma banaanaanayo, waxaa jooga oo buuxa ilaahay fadligiis Abnaa, ALsaxwa al islaamiya oo ku soo barbaaray gacantii sheekh c/qaadir Nur mana uu hakan doono manhajkii,dacwadii,khayrkii,maslaxadii uu sheekh c/qaadir uhayay ummada islaamkaa gaar ahaan ummada somaliyeed gaar ahaan ummda reer puntland inshaa allaah, waana qaadanaynaa qodobadaas sheekh axmed soo jeediyay.

  10. sh axmad mahadsanid qoraaladaada aad yan ugu farxaa
    shirkii aan kaa sugaynay ee kanbaalana nooma imaan
    cinwaanka qoraalka waxan ka jeclaa shiiqu reer kama dhimane soomali ayuu ka dhintay maxaa yeelay mafhuumka guud ayaa durbadiiba ka dhaadhicid dhow mafhuumul mukhaalafa aan dad badani aad uwada keeni karin fahankeeda shukran

Leave a comment

*