Ingiriisku ma uur ku baallaa W/Q Sheekh Sh.Fu’aad Max’ud Xaaji Nuur

April 17, 2013 - Written by Editor

fu,aadBoosaaso:-Dawladda Ingriisku waa dawlad awood dhaqaale, cilmi, siyaasad iyo mid ciidanba leh, waa dawlad leh sirdoon xirfad iyo qalab labada ku hubaysan, xagga kale waa dawlad kiristan ah, leh aragti iyo halbeeg u gaar ah.

Dhanka kale waxay ka mid tahay dawladaha aadka ula dirirsan dadka ay ugu yeeraan argagixisada, waxay ka mid tahay dawladaha u doola dalal fog fog ayagoo ku andacoonaya in ay soo ciribtirayaan dagaalyahannada ay kala mabda’ iyo aragtida duwanyihiin ee ay ku naanaysaan xagjirnimada.

Xarakada Shabaabku waa xarako sheegata in ay ka soo horjeeddo hindisayaasha dawladaha gaalada ah, sidoo kale waxay yiraahdaan waxaan isu taagnay in aan u dirirno danaha muslimiinta, in aan yagleelno dawlad islaami ah, in aan u gargaarno muslimka la il daran taagdarrada iyo dulmiga.

Inkasta oo Ingiriisku yahay dawlad awood leh sida aan kor ku soo xusay haddana ma ogaan karto dhaqdhaqaaq walba oo aadanuhu sameeyo waayo awooddoodu waa xaddidantahay ee ma aha xarigla’, Allaah uun baa awood furan leh, xagga kale waxaa sawirka guud kuu muuqda in Ingiriiska iyo Shabaabku kala aragti iyo rabitaan duwanyihiin, haddana waxaa yaab kugu abuuri kara sidee Ingiriisku u ogaadaa waxa mustaqbalka ah ee Shabaabku samayndoonaan?!!!.

Marbaad waxaad is oranaysaa tolow Ingiriisku ma uur ku baallaa?!!!, waxaan waayadii hore arki jiray nin la leeyahay waa uur ku baalle oo waxa caloosha dadka ku jira ayuu horay u sii ogaadaa, ama waxaa la oran jiray garab daar ayuu leeyahay oo waxba looma sheego ee horay ayuu ka garan karaa waxa muraadkaagu yahay iyo meesha lagaa hayaba!!!.

Laakiin waa dambe ayaa la ogaaday in raggii garabdaarka sheegan jiray ay u shaqaysan jireen si xirfadaysan oo aan dadku aad u fahmi karin, mar uun baad imaanaysaa xarunta uur ku baalluhu joogo adoo ka sheeganaya kurbo ama xanuun ku haya ama hawl aad jeclayd laakiin haad kaaga bixi waayay, markaas ayaa mid kale oo meesha sii fadhiyay inta kugu soo dhawaado kugu yiraahdaa walaal muxuu muraadkaagu ahaa anigu xoogaa hawl ah oo saas iyo saas ah baan uur ku baallaha uga maarmiwaayaye, markaas ayaad adna si iska caadi ah u sheegaysaa horudhac xambaarsan dalabka aad u sheeganlahayd midkaan garabdaarka lagu sheegay, hadhow ayuu mid kale hoosta uga sii dhiibaa magacaagii iyo dantii aad lahaydba kaddibna uur ku baallihii ayaa loo gudbiyaa, markaas ayuu markaad soo gashid kugu yiraahdaa soo Maygaag Gudcur Rooble maahid dantaaduna saas maaha iska daa adeer anaga waxba nalooma sheegee, markaasaad yaab iyo amakaag iyo muraaqood la soo fariisataa oo tiraahdaa haa wallaahi waa saas!!!.

Haddaba waa yaabe Ingiriisku see ku ogaadaa niyadda shabaabka ee ay maaganyihiin in ay sameeyaan muddo kaddib, ma Ingiriiskaa garabdaar leh oo uur ku baalle ah? Mise xirfad kale ayaa meesha ku jirat?.

Dhawr maalmood kaddib ayaa waxaa dhacay masiibadii waynayd ee ka dhacday Maxkamadda gobolka Banaadir, halkaas oo lagu laayay dad gaaraya sodon qof ilaa afartan kuwo kor u dhaafayana waa la dhaawacay dakaasi waxay u badnaayeen dadkii u yimid meesha kiisas madani ah oo kala duwan laakiin looma aabbayeelin, ee waxaa qaybna lagu diley toogasho afsaar ah qaarana inta meel laysugu celiyo ayaa laysku qarxinayay!!, sidoo kale waxaa qarax lagu laayay niman Turki ah oo u yimid in ay gargaaraan dadkaan soomaaliyeed ee gaajada iyo guryo xumadu daashatay, ogowna hawl galladaan waxaa sheegtay shabaabka afhayeenkooda.

Haddaba soo amakaag ma aha digniintii Ingiriiska iyo falkii Shabaabku halkaas ka sameeyeen sida ay isu waafaqeen, ma waxaan dhihi karnaa waa wax uu ku ogaaday aaladihiisa uu wax ku ogaado ee ku salaysan tiknoolajida casriga ah?, hadday sidaas tahay oo satalaydku sawiray sidee ku ogaadeen in yoolku xamar yahay? Side ku ogaadeen in waqtigu usbuuc gudihiis yahay?, runtii waa layaab waayo nimankaanu godad iyo meelo aad u qarsoon ayay wax ku soo qorsheeyaan, kaaga darane hubka ay isticmaalayaan ma aha Nuclear-ka Iran ay samaysanayso ee waa Ak 47 iyo suun qarxa oo nin shafka loogu xirayo taasina waa wax aad loo qarin karo.

Ka rog oo labo saar ma waxaan niraahnaa  maya xaalku saas ma aha ee Ingiriisku waa uur ku baalle garab daar leh oo wuu iska ogaaday!!!, taasina suurta gal ma noqon karto Allaah uun baa og waxa maqan ee aan wali dhicin gaar ahaan waxa qofku uu caloosha ka maagganyahay laakiin uusan wali ku tiraabin, marka waxaa lays oran karaa tolow ma farsamo xeeladaysan oo hoose ayaa jirta oo labada qolo ku kala warqaataan?, haddana waxaa lays oran karaa oo sowtii labada qolo dab iyo baasiinka ahaayeen goormay isu boodeen, oo hadday dab iyo baasiin ahaayeen oo ay isu boodeen may isku qarxaan oo isku gubtaan illaa dab iyo baasiin isu booday waa layaqaan waxa ka dhasha e!!!.

Muqdisho waxaa jooga Maraykan, Ingiriis, Faransiis, Talyaani, Itoobiyaan, Ugandhays, Burundiis iyo qolyo kale oo gaalo ah, haddii intaasib baasiin tahay Shabaabkuna dab yahay maxay isu gubi waayeen oo digniinta Ingiriisku ay ugu dhici wayday kuwaas, maxaa loo beegsaday dadka Soomaaliyeed ee muslimka ah ee aan waxba galabsan?, maxaa Turkida lagu maagay? Su’aalahaan kulli waxay u baahanyihiin jawaab, umana malaynayo in loo helayo.

Ugu dambayn bal taariikhdu waxay suubisiyo saadame an dhawrno, kolley soomaalidu waxay tiraahdaa timir laf  baa ku jirta, arrintaani waxay huwantahay wax badan, waa higil iyo hummaag u baahan in waynayso (Microscope) loo qaato oo aad loo eego si looga bogta waxa ku hoos jira.

Dadka Muslimka ah ee sida naxdinta leh loo xasuuqayo ee haddana lagu faanayo, isla markaasna la sheegto in islaamka iyo muslimiinta loo gargaarayo iyo digniinta iyo daanshadaanshaha Ingiriisku waxay la mid tahay tixdaan oo abwaan hore yiri:

Dunna haddaadan ii tarin maxaad, iigu dano sheegan?
Duunyada fardood maalintaad, Deleb ku qaadaysay
Sidii duul Amxaaro ah markaad, nagu dabraynaysay
Intaad haatan ii labaddiblayn, muu damqado jiirku?
Dir islaamnimo ahaan, hilibku muu diiro
Daabaca ninkii kugu dhuftee, daabka kuu celiyey
Iyo kii “duleedshaay!“ ku yidhi, wax isma doorshaane,
Dakanadayda yaa kaa xigaad, igu danayn haatan?
Iyo qaybtaan kale ee tixda oo ah.

Baadida nin baa kula daydaya, daalna kaa badane
Aanse doonihayn inaad heshaa, daa’in abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashaan, wax u dahsoonayne
Dallo ma laha Aakhiro haddii, loo kitaab dayo’e

W/Q Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur.

2 Comments so far

Leave a comment

  1. waa qormo layaablej iyo su,aalo iswaydiin mudan.

  2. sheekh fuaad jazakalahu kheyr kalimada wanaagsanba waa sadaqo , runtii waa jawaab shabaabka laftooda laga sugaayo , alow shabaab halaag weyn cirka ooga keen oo aan ku ilowno muslinkii ay xasuuqeen

Leave a comment

*