Machadka Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan ee magaalada Garoowe oo ay ka qalin-jebiyeen 132 arday

April 27, 2013 - Written by Editor

OLYMPUS DIGITAL CAMERAGaroowe:-Machadka Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan ee magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa ka qalin jebiyey arday gaareysa 132 arday kuwaas baranayey Diploma in business administration ( Maamulka iyo maaraynta ganacsiga), Diploma in Community Development ( Horumarinta bulshada ) iyo Diploma of Computer ,xaflada lagu gudoonsiiyey Shahaadooyinka ardayda ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Munaasabada lagu gudoonsiinayey Shahaadooyinka ardayda ka qalinjebisay Machadka alaha u naxariistee Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay  mas’uuliyiin ka kala socotay wasaaradda waxbarashada  Puntland, maamulka jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Garoowe , culumaa’uddiin iyo dadweyne kale oo badan.

Ugu horeyn waxaa kalimad kooban ka jeediyey xaflada lagu qabtay  Machadka Dr. Axmed Xaaji Maamulka Machadka Dr.  Axmed Diiriye Maxamed waxaana uu sheegay  in ardayda maanta ka qalin-jebisay ay tahay dufcaddii ugu horeysay wuxuuna uu kula  dardaarmay inay sii wadaa waxbarashadooda.

Waxaa sidoo kale kalimad qiimo leh ka jeediyey Madaxa Jaamacadda Bariga Afrika ee  magaalada Garoowe Fadiilat Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah culumada ugu waaweyn Soomaaliya wuxuuna ku booriyey ardaydii ka qalinjebisay machadka in cilmiga ay barteen ka miro dhaliyaan umadana u faa,ideeyaan.

Machadka Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan waxaa uu ka mid yahay Macaahida sida weyn looga faa,ideystay deegaanada Puntland waxaana la asaasay ka dib markii ay Ururka Al-Shabaab ku dileen magaalada Boosaaso alaha u naxariistee Sheekh Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan.

Warka oo faahfaahsan Masawira dib baan idiinka soo gudbin doonaa Inshalaah

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online