Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda oo ku sii wajahan magaalada Garoowe
April 28, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Wafdi uu horkacayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa saaka u dhoofay magaalada Garoowe ee xarunta dowllada Puntlland , wafdiga Madaxweynaha ayaa saaka waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ku sii sagootiyey wasiiro, xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Dowllada Federaalka Soomaaliya.
Magaalada Garoowe ayaa saaka waxaa laga dareemay abaabul xooggan oo ay wadaan masuuliyiinta dowllada Puntlland iyo laamaha amaanka iyadoo la arkayey ciidamo gaar ah oo sugaya amaanka goobaha uu marayo madaxweynaha dowllada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo wafdigiisa oo saacado yar ka dib gaari doono magaalada Garoowe.
Ciidanka amaanka ee dowllada Puntlland ayaa aad u adkeeyey amaanka guud ee Garoowe gaar ahaan goobaha rasmiga ah ee loo asteeyey in ay madaxweynaha dowllada Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisu ay imaanayaan.
Ilaa hadda ma cada waxyaabaha ay ka wada hadli doonaa Madaxda Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo Puntlland balse waxaa la sheegayaa in laga wada hadli doono arrimaha ka taagan gobalada Jubooyinka iyo shir dhawaan ka dhici doona magaalada London oo ay dowllada Ingriisku ku casuntay madaxda kale duwan ee Soomaaliya.
M_M_Deeq
Halgan.net