Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda oo ku sii wajahan magaalada Garoowe

April 28, 2013 - Written by Editor

Dr.XasanGaroowe:-Wafdi uu horkacayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa saaka u dhoofay magaalada Garoowe ee xarunta dowllada Puntlland , wafdiga Madaxweynaha ayaa saaka waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ku sii sagootiyey wasiiro, xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Dowllada Federaalka Soomaaliya.

Magaalada Garoowe ayaa saaka waxaa laga dareemay abaabul xooggan oo ay wadaan masuuliyiinta dowllada Puntlland iyo laamaha amaanka iyadoo la arkayey  ciidamo gaar ah oo sugaya amaanka goobaha uu marayo madaxweynaha dowllada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo wafdigiisa oo saacado yar ka dib gaari doono magaalada Garoowe.

Ciidanka amaanka ee dowllada Puntlland ayaa aad u adkeeyey amaanka guud ee Garoowe gaar ahaan goobaha rasmiga ah ee loo asteeyey in ay madaxweynaha dowllada Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisu ay imaanayaan.

Ilaa hadda ma cada waxyaabaha ay ka wada hadli doonaa Madaxda Dowllada Federaalka Soomaaliya iyo Puntlland balse waxaa la sheegayaa in laga wada hadli doono arrimaha ka taagan gobalada Jubooyinka iyo shir dhawaan ka dhici doona magaalada London oo ay dowllada Ingriisku ku casuntay madaxda kale duwan ee Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online