Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Mombassa ee dalka Kenya

April 27, 2013 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa saakay u amabaxay magaalada Mombassa ee dalka Kenya, waxaana uu kulan la qaadan doonaa madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Wafdiga madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey wasiiro ka tirsan DFS Xildhibaano iyo xubo kale oo ka tirsan labada gole.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casumaad ka helay dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta waxaana ay ka wada hadli doonaan labada madaxweynaha howlgalada ciidanka AMISOM ee gobalada Gedo iyo Jubooyinka iyo Shirka maamul u sameeynta gobalada Jubooyinka oo ay ku kala aragti duwan yihiin DFS iyo Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaaayo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku sii sagootiyey garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon  iyo gudoomiyaha  baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari)

Waaa socdaalkii Labaad ee uu madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud uu ka tago dalka Kenya ilaa intii loo doortay madaxweynah dowlada federaalka Soomaaliya.

Cabdi Yare 
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online