Madaxweynaha DFS oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday Maxkamada gobalka Banaadir

April 14, 2013 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa aad u dhaleeceeyay weerarkii argagixiso ee maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho.Argagixisadda ayaa weerar ku qaaday xarunta gobolka Banaadir iyo maxkamadda gobolka.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhamaan ehelada shacabkii ku geeriyooday weerarka foolsha xummaa oo ay argagixisadu ku soo qaadeen shaqaale dowladeed oo aan waxba galabsan. Wuxuuna yiri “waxaan ilaah uga baryaa in uu janadii fardawsa ka waraabiyo eheladii ay kabexeen’na samar iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin.”

“ Anagu horay ayaan u soconaa, laakin cadawga Soomaaliya iyo kan Bani-adam ka ayaa isku dayayo in uu naga hor istaago horumarka. Waxaan rabaa in argagixisadda AlShabaab/ Al-Qaeda ay ogaadaan in Soomaaliya horumarka iyo nabadda aysan ka hor istaagi karin koox yar oo argagixisa ah.“

 “ Weerarkani wuxuu muujinayaa in cadawgii looga guuleystay oo laga qabsaday dhamaan goobihii muhiimka ahaa ay kula lahayeen Soomaaliya.”

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online