Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo Markale ku celiyey in gubista dhirta in ay tahay danbi

April 17, 2013 - Written by Editor

IMG_5837Muqdisho:-Madaxweynaha ayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka qeyb-galay munaasabadda maalinta dhir beerida Soomaaliyeed, oo lagu qabtay Xarunta Villa Soomaaliya.

Munaasabdan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirka Qeyraadka C/Rizaaq Maxamed Cumar, Wasiiradda Arimmaha Bulshadda  iyo masuuliyin ka socotay Qaramadda Midoobay.

Madaxweynaha oo war kooban ka sheegay munaasabadda ayaa ku sheegay in ay danbi tahay in la jaro dhirta  lana dhoofiyo. “Waxaa jira sharciya ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay jaridda dhirta biloowgii 1970kii. Waxaa kale oo jira resolutiono ay soo saartay Qaramadda Midoobay oo ku aadan dhuxusha iyo dhoofinteeda. Waa lama huraan in la dhaqan geliyo sharciyadaan.”

“Markale ayaan ku celinayaa dhoofinta dhuxusha waa danbi. Dhirteena waxaa ku xeran nolosheena. Waa in aan hirgelino sharciyadda dalka iyo kuwa Caalamka si aan u badbaadno.”

Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha  wuxuu isla Madaxtooyadda ku beeray geed cusub lana dar-daarmay dhamaan shacabka Soomaaliyeed in guri walbo lagu beero geed .

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online