Madaxweynaha DFS Xasan Sh oo soo gabagabeeyey socdaalkii Puntland(Warsaxaafadeed)

April 29, 2013 - Written by Editor

shirjaraa,idGaroowe:-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa galabta soo gabagabeeyey socdaal shaqo oo uu labo maalmood uu ku joogey magaalada Garowe ee Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigii la socday oo ka koobnaa wasiiro,  xildhibaano iyo mas’ uuliyiin kale ayaa si heer sare ah loogu soo sagootiyey galabta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland oo shir-jaraa’id si wadajir ah u qabtay ayaa sheegay in labada dhinac isku afgarteen sidii loo dhaqangelin lahaa heshiisyadii hore,  isla markaana looga wada shaqeyn lahaa wadahadalada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Puntland,  xukuumadiisa iyo shacabka Puntland sidii diiraneyd ee quruxda badneyd ee loo soo dhoweeyey, sheegeyna in Puntland ay door muhiim ah ku laheyd soo afjariddii xilligii KMG aheyd loogana baahanyahay inay dhameystirka dastuurka iyo dib u soo celinta amniga ay kala shaqeyso Dowladda Federaalka ah.

no images were found

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Madaxweynaha Puntland shirka London ee 7da May sheegeyna in shirkan ay wada hoggaaminayaan Somalia iyo UK ujeedaduna tahay  sidii Dowladda Federaalka looga saacidi lahaa qorsheyaasheeda Amniga,  garsoorka iyo dibs-u-hagaajinta dhaqaalaha.  Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka London uu yahay mid taariikhi ah oo waxtar ballaaran u leh shacabka Soomaaliyeed, kana codsaday Puntland inay talo ku yeelato,  kalana shaqeyso Dowladda Federaalka ah.

Socdaalkan shaqo ee Madaxweynaha ayaa daba socda socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha uu ku yimid Puntland iyo qorshaha Dowladda ee isgaaridda iyo is-dhexgalka shacabka Soomaaliyeed.

– Dhamaad –

Malik Abdalla.
Agaasimaha Warfaafinta
Villa, Somalia, Muqdisho,
media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online