Madaxweynaha DFS oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe(Masawiro)

April 28, 2013 - Written by Editor

Farooliyo XassanGaroowe:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud  iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey C/raxmaan Faroole Madaxweynaha Puntland ,Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdisamed Cali Shire ,Wasiiro,Saraakiil, iyo dadweyne badan.

Madaxweynaha DFS ayaa markii uu ka soo degan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxaa uu salaan sharaf ka qaatay ciidamada Daraawiishta Puntland waxaana ka dib loo galbiyey xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe iyaga oo socda ku dhexmaray gudaha magaalada Garoowe.

Ciidanka amaanka ee Puntland ayaa si weyn u adkeeyey amaanka magaalada Garoowe iyo wafdiga madaxweynaha DFS ,Madaxweynaha DFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya  wasiirka maaliyaddaiyo qorsheynta  DFS  Maxamuud Xasan Saleebaan, wasiiru-dowlaha madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir iyo xildhibaanno iyo masuuliin ka tirsan Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

no images were found

Madaxweyanaha DFS ayaa sida aan ka helnay ilo wareed ku dhow Madaxtooyada Puntland waxaa uu ku sugnaan doonaa Puntland mudo laba cisho ah waxaana uu kormeer ku tagi doonaa magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo isaga oo sidoo kale booqan doona Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha DFS ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxada Puntland iyaga oo ka wada hadli doona  shirka May 7 lagu wado inuu ka dhaco London kaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya waxayna kaloo ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka DFS iyo Puntland.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland ayaa haatan shirja,raaid ku qaban doona magaalada Garoowe.

 

M_M Deeq
Halgan.

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online