Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho
April 21, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabay magaalada Muqdisho ka dib markii uu socdaal shaqo ku tagay magaalada AdisAbaba ee xarunta dalka Itoobiya waxaana uu ka soo qeybgalay shir ay madaxda wadamada Afrika isigu yimaadeen .
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon, guddoomiyaha baarlamaanka Pro.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xubno ka tirsan labada gole ee DFS .
Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee DFS ayaa warbaahinta kula hadashay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Waxayna sheegta in shirka ay uga qaybgaleen magaalada AdisAbaba uu ahaa mid diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa dagaalada iyo in DFS laga taageero amaanka .
Ra’iisul wasaare ku-xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegtay in madaxweynaha DFS uu kala hadlay madaxada dalalka Afrika arimaha Soomaaliya uuna khudbad ka jeediyey shirka lagu qabtay AdisAbaba.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net