Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

April 21, 2013 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha DFS  Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  dib ugu soo laabay magaalada Muqdisho ka dib markii uu socdaal shaqo ku tagay magaalada AdisAbaba ee xarunta dalka Itoobiya waxaana uu ka soo qeybgalay shir ay madaxda wadamada Afrika isigu yimaadeen .

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon, guddoomiyaha baarlamaanka Pro.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xubno ka tirsan labada gole ee DFS .

Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee DFS ayaa warbaahinta kula hadashay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Waxayna  sheegta in shirka ay uga qaybgaleen magaalada AdisAbaba uu ahaa mid diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa dagaalada iyo in DFS laga taageero amaanka .

Ra’iisul wasaare ku-xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegtay in madaxweynaha DFS uu kala hadlay madaxada dalalka Afrika arimaha Soomaaliya uuna khudbad ka jeediyey shirka lagu qabtay AdisAbaba.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online