Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud oo safar ku gaaray magaaladda Mombasa [War-saxaafadeed]

April 27, 2013 - Written by Editor

IMG_6735Mombasa:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa maanta safar kooban oo shaqo ku gaaray magaaladda Mombasa ee Kenya halkaasna wuxuu kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

Waxaa Madaxeynaha ku wehliyay R/Wasaare K/Xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Marwo Fawsiya Yusuf Xaaji Aadam, iyo Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax C/Qaadir.

“ Waxaan fursad u helay in aan Madaxweyne Kenyatta ku wargeliyo Shirka Lonodon ee dhici doona asbuuca soo socda iyo danaha ay Soomaaliya ka leedahay.  Waxaa kale oo na dhexmaray wada hadalo wanaagsan oo la xariira arrimo dhowr ah oo anaga oo dhan dan noogu jirto. Waxaa naga dhexeeya dano farabadan, waxaana naga go’an in aan ka wada shaqeeyno in Bariga Afrika uu noqdo meel horumar iyo nabad leh.”

no images were found

“Sidoo kale waxaan ka hadalnay in Al-Shabaab iyo fikirkooda wixii wata laga hortago si ayna u faafin fikirka xag jirka ah ee ku saleysan argagixisadda.” Bur-burka soo gaaray Al-Shabaab ayaa wuxuu keenay in ay bilaabaan xasuuqa Shacabka” ayuu hadalkiisa  ku soo gabagabeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu danbeytii ayaa waxaa laga hadlay qaabkii ay qaxootiga Soomaaliyeed ugu noqon lahayeen dhulkooda hooyo. Taasna waxa leysla gartay  in ay dhici doonto marka loo diyaariyo qaab ay dalkooda ku soo noqdaan.

                                    Dhamaad

 

Wixii faah-faahin ah kala xiriir Ag: Warfaafinta
Madaxtooyadda Maalik Abdalla Media@presidency.gov.so.

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online