Madaxweynaha dowllada Puntlland oo la kulmay Philippe Lazzarini
April 22, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha dowllada Puntland Dr.C/raxman Faroole ayaa xalay waxaa kulan kala yeeshay xarunta madaxtooyada Garoowe wafdi ka socda Qaramad midooby oo uu hogaaminayo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinac bini’aadanimada dalka Soomaaliya Philippe Lazzarini.
Wafdiga Qaramnada Midoobay ee shalay soo gaaray Garoowe ayaa waxaa la socday wakiilo ka socda Hay’addaha UNDP ,UNOCHA waxaan ay kulankoodii koowaad la qaateen Madaxweyne ku xigeen Puntlland Gen Cabdisamad Cali Shire iyo Golaha wasiirada ee Puntlland.
Socdaalka Wafdiga Qaramad midoobay ee soo gaaray Garoowe ayaa waxaa uu u jeedadiisa ay tahay la socodka geedi socodka dhinac Xisbiyadda badan ee dhawaan looga dhawaaqay degaanada Puntlland iyo horumarinta dhinac kaabayaasha dhaqaalaha, gargaarka dhinac bini’aadanimada
Wafdiga uu hogaaminayey wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinac bini’aadanimada dalka Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa markii ay soo gaareen Garoowe waxaa ay booqdeen xafiisyada kale duwan ee Qaramada midoobay ay ku leeyihiin magaalada Garoowe
iyo xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaashu.
M_M_Deeq
Halgan.net