Madaxweynaha dowllada Puntlland oo la kulmay Philippe Lazzarini

April 22, 2013 - Written by Editor

pilipGaroowe:-Madaxweynaha dowllada Puntland Dr.C/raxman Faroole ayaa xalay waxaa kulan kala yeeshay xarunta madaxtooyada Garoowe wafdi ka socda  Qaramad midooby oo uu hogaaminayo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinac bini’aadanimada dalka Soomaaliya Philippe Lazzarini.

Wafdiga Qaramnada Midoobay ee shalay soo gaaray Garoowe ayaa waxaa la socday wakiilo  ka socda Hay’addaha UNDP ,UNOCHA waxaan ay kulankoodii koowaad la qaateen Madaxweyne ku xigeen Puntlland Gen Cabdisamad Cali Shire iyo Golaha wasiirada ee Puntlland.

 

Socdaalka Wafdiga Qaramad midoobay ee soo gaaray Garoowe ayaa waxaa uu u jeedadiisa ay tahay la socodka geedi socodka dhinac Xisbiyadda badan ee dhawaan looga dhawaaqay degaanada Puntlland iyo horumarinta dhinac kaabayaasha dhaqaalaha, gargaarka dhinac  bini’aadanimada

Wafdiga uu hogaaminayey wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinac bini’aadanimada dalka Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa markii ay soo gaareen Garoowe waxaa ay booqdeen xafiisyada kale duwan ee Qaramada midoobay ay ku leeyihiin magaalada Garoowe
iyo xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaashu.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online