Madaxweynaha JFS oo maanta furay Shirweynaha Dib u habeynta Garsoorka Soomaaliya

April 1, 2013 - Written by Editor

P_HasanMuqdisho:-Shirweynahan Qaran oo ay martigelinayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa iclaamiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo lagu casuumay Wakiillo ka socday Maamullada Gobollada Dalka,Gar-yaqaanno,Aqqoonyahanno iyo Culumaa’udiin ka kala yimid Gudaha iyo Dibadda Dalka.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo jeediyay Khudbaddii Furitaanka Shirweynaha ayaa Sheegay in Shirkaani uu aasaas u yahay sidii Dadka Soomaaliyeed ay ugu kalsoonaan lahaayeen Garsoorka wadanka, maadaama ay cabasho badan horay uga keeneen Muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaasoo ay sabab u yihiin daruufaha uu xilligaan wadanka ku suganyahay.

Madaxweynaha ayaa xusay in Shirkaan uu sidoo kale qeyb ka yahay  15 Shirweyne Qaran oo ay Dowladdu dooneyso inay ku qabato gudaha dalka,isagoo intaasi ku daray in waxyaabaha laga soo saaro Shirkan ay Dowladdu ka go’antahay diyaarna u tahay  inay Dhaqangeliso maadaama ay soo saareen Wakiillo matalaya Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an in ay Dalka ka hirgeliso Garsoor Dhab ah oo qaabeysan iyo Siyaasad Deggan si ay Ummadda Soomaaliyeed ugu dhiiradaan inaysan gorgortan ka gelin waxa ay xaq u leeyihiin una adeegsadaan Sharciga” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud.

Madaxweynaha oo Khudbaddiisa sii wata ayaa ka codsaday ka qeybgaleyaasha Shirweynaha inay booqdaan inta uu socdo Shirweynahan Goobaha ay ku shaqeeyaan hay’adaha Garsoorka iyo caddaalladda u qaabilsan Soomaaliya gaar ahaan Maxkamadaha,Xabsiga Dhexe iyo Saldhigyada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed si ay u helaan Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan.

Shirweynaha oo socon doona Ilaa 5-April ayaa waxaa qarashaadka ku baxaya bixinaysa Xukuumadda Soomaaliya iyadoo wax kaalmo ah ka heleynin Dowlado Shisheeye ama hay’ado caalami ah.

Sidoo kale Masuuliyiintii ka hadashay Furitaanka Shirweynaha oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka Ceydiid Ilkaxanaf,Wasiirka Garsoorka ,arrimaha Diinta iyo Awqaafta C/llaahi abyen Nuur,Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarzan iyo Wasiiru Dowlaha cadaaladda Puntland Yuusuf Axmed Kheyr ayaa uga Mahadceliyay  Madaxweynaha Somalia Go’aanka iyo Fikirka muhiimka ah uu qaatay ee ah in la qabto Shirweyne Heer Qaran ah oo looga arrinsanayo Dib u habeynta Garsoorka Somalia.

Sidoo kale waxaa Galabta madasha uu shirka ka socdo lagu soo bandhigay Taariikhda iyo Maraxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Garsoorka Soomaaliya,iyadoo masuuliyiintii ka hadashay ay kamid ahaayeen Sh. Bashiir Axmed Salad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Prof.C/Wahaab oo kamid ah Xubnaha Guddiga Heerka Qaran ee Qabanqaabada Shirweynaha looga tashanayo Garsoorka.

Waa Shirweynihii ugu horreeyay oo ay qabato Dowladda Soomaaliya 22 Sano kadib oo uusan Garsoorka Soomaaliya u shaqeyn sidii loogu talagalay maadaama ay Hay’adihii Garsoorka kamid noqdeen Hay’adihii ka burburay qaranka Soomaaliyeed mudadii ay kala dambeyn la’aantu ka jirtay wadanka. 

        Dhammaad.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

1 Comment so far

Leave a comment

  1. allah haku toosiyo talada teeda wanaagasan

Leave a comment

*