Magaalada Gaarisa oo lagu dilay askar Kenyaan ah

April 2, 2013 - Written by Editor

garisa1-Gaarisa:-Waxaa saaka lagu dilay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari labo askari oo ka tirsan ciidanka Booliska ee dalka Kenya ka dib markii rag Bistoolado ku hubeysan ay ku weerareen bartamaha magaalada Gaarisa waxaana sidoo kale weerarka ku dhaawacmay askari kale.

Weerarka ka dib ayaa waxaa goobta ka baxsaday dableydii dishay labada askari waxayna horey u sii qaateen bistoolad ay ka furteen askartii ay dileen.

Taliyaha booliska ee gobolka Waqooyi-bari Charlton Mureithi, ayaa xaqiijiyey in uu jiro weerarka lagu qaaciyey askarta Kenyaanka ah wuxuuna sheegay in askarta  xilliga la dilay ay ku guda jireen roondo ay ku sugayeen amaanka Gaarisa.

Ciidamo tiro badan oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa  goobta soo gaaray waxaana ay xireen  isu socodka dadka iyo gaadiidka.ilaa haatan lama soo sheegin cid ay qabteen ciidamada amaanka ee magaalada Garisa.

Magaalada Gaarisa  ayaa waxaa ay wehel u noqotay weeraro gaadmo ah oo lala beegsado ciidamada iyo saraakiiisha ciidanka Booliska  ilaa iyo markii ay ciidamada Kenya ay gudaha u galeen gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Ilaa haatan ma jirto koox si rasmi ah u sheegatay weerarada ka dhacaya magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari
ee Kenya walow dowlada Kenya ay dusha uga tuurto kooxda Al-Shabaab iyo kooxda MRC.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online