Mashruuca daawayenta cudurka Dhimirka oo lagu soo gabagabeeyay Cisbitaalka Jaamacada Bariga Africa

April 6, 2013 - Written by Editor

IMG_0160Boosaaso:-Waxaa lagu soo gabagabeeyay   taariikhdu markii ay ahayd 4/4/2013 Cisbitaalka weyn ee  Jaamacada Bariga Africa magaalada Boosaaso, mashruuc lagu dawaynayay dadka cudurka dhimirka qaba. Mashruucaas oo soconayay in ku dhaw laba asbuuc ayaa waxaa ka faaiidaystay dad tiraddoodu dhamayd 315 qof oo isugu jiray da’ walba ,dadkaas oo intoodii badnayd daawooyinkii la siiyay ku caafimaaday.

Mashruuucan oo ay soo qaban qaabisay Jamciyada Khayriga ah ee Almanhal ayaa ahaa mid ay dad weynaha ku dhaqan magaalada Boosooso iyo agagaarkeedu aad ugu diirsadeen. Sidoo kale mashruuca ayaa ahaa lacag la’aan si dadka danyarta ah ee aan awoodin uga faa iidaystaan.

no images were found

Mashruuca ayaa gabagabdiisii waxaa ka soo qayb galay mas uuliyiin ka kala socota JBA,wasaarda Caafimaadka,Isimada Puntland, Culimaaudiinka, Aqoonyahano iyo dadweyne badan,dadkii ka hadlay ayaa dhamaantood waxay hoosta ka xariiqeen in ay lama huraan tahay in loo gurmado sidii cudurka dhimirka daawayntiisa la iskaga kaashan lahaaa, iyadoo dadka loo sharxay in cudurka dhimirku la mid yahay cudurada kale loona dawayn karo sida kuwa kale.

Dadkii ka hadalay goobta ayaa waxaa ka mid ahaa:Gudoomiye kuxigeenaka Jaamacada Bariga Afrika, Mudane Dayib Ali Mohamed,Beeldaaje Xaaji Ali Faarah,Nabadoon Abdulqaadir Ahmed,Suldaan Maxamed Muuse Geelxoor, Dr Aaadan Ahmed daahir, Mudane Sakariye Isticmaar iyo Isiduwaha Wasaarada caafimaadka ee Gobalka Bari Dr Aaden Ahmed Daahir oo ah dhakhtar ku takhasuasay cudurka dhimirka ahaana dhakhtarka waday mashruuca ayaa ka warbixiyay Cudurka dhimirka iyo dawyntiisa iyo meelihii uu soomaray waxyaaluhuu kala kulmay.

Munaassabada ayaa waxaa soo gabagabeeya Beeldaaje Ali farah oo dadka ku booriyay sidii la isu kaashan lahaa sidoo kalena dadka xanuunsan ilaahay u baryay inuu daweeyo.
Halgan.net

 

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online