Mu’asasada Safa ee horumarinta dacwada oo Dowro labaad ku qabatay magaalada Muqdisho.

April 14, 2013 - Written by Editor

DSC02957Muqdisho:-Nadwo soconeysa 3 cisho, qeyba ka ah Olalaha ka digida waxyaabaha lagu halaagsamo ayaa waxaa lagu qabtay Holka Shirarka ee Markazka Inbu Baz ee Magaalada Muqdisho, waxaana isku soo duba ridey oo fulinaya Mu’asasada Safa ee horumarinta dacwada.

Cinwaanka Nadwada oo ah (القبلية وأثرها علي المجتمع الصومالي) ayaa qeyb ka ah Olale ka dhana waxyaabaha lagu halaagsamo oo bishii hore dhamaadkeeda mid la mida lagu qabtey isla hoolka Shirarka ee Markazka Ibnu Baz.

Inta Dowradani socoto, culimada kala duwan ee ka qeyb galeysa waxey bixin doonaan duruus kale duwan oo ku aadan Cinwaanka Nadwada, waxaa ka faaiideysanaya bulshada qeybo ka mida gaar ahaan Dumarka ee dhigta Jaamacaadka iyo Macaahida Sharciga ee Magaalada Muqdisho.

no images were found

Dowrada ayaa soconeysa 04-05/05/1434 waxaana ka qeyb gelaya culimada kala ah;

Sh. Maxamuud Sh Axmad Xasan.

Sh. Cumar Axmed Sheekh.

Sh. Cumar Maxamuud Cabdi.

Sh. C/naasir Xasan.

Sh. Fataax Xasan Axmed.

Sh. C/raxmaan Nuur C/raxmaan.

Dowrooyinka noocan ah oo loo qabto qeybaha Bulshada ayaa qeyb weyn ka qaata harumarinta, islaaxinta iyo ka badnaabinta dhimaatooyinka kale duwan ee soo wajaha Bulshada Muslinka ah ee Soomaaliyeed.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta muxaadarooyinka ay culumada ka jeediyeen Markazka Ibnu Baz ee magaalada Muqdisho hadii alle idmo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online