Mu’ssasada Minhaaj oo dowro dacwadeed ku qabtay magaalada Boosaaso.[Daawo masawirada]

April 6, 2013 - Written by Editor

DSC07866Boosaaso:-Waxaa maalinimadii jimcaha ee bishu ahayd 05/04/2013 si rasmi ah loogu soo gaba gabeeyay magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari, dawro sharci ah oo socotay mudo saddex bari, kana mid ah olole dacawi ah oo loogu magac daray (الحملة الدعوية للتحذير من المهلكات), ololahaasoo dawradiisii ugu horreysay lagu qabtay Masjidu rawda, ciwaankeeduna ahaa Nafihiinna ha Dilina ( وَلا تَقْتُلُوا أَنْفُسَكُمْ ), taaso lagu soo gaba gabeeyay hoolka masjidka.

Dowradaan diiniga ah ee socotay 3-da cisho ayaa Fulinteeda iyo agaasinka waxaa lahaa Mu’ssasada Minhaaj ee dacwada iyo horumarinta ee Gobolka Bari. Dowradaan ayaa waxaaka soo qayb galay 73 wiil iyo 36 gabdhood oo ka mida ardayda dhigata Jaamacadaha, Macaahidda Sharciga ah, iyo Dugsiyada sare. Culimo iyo ducaad ku nool deegaanka Puntland, ayaa dawradaan ka bixiyey Duruus kale duwan oo kulli wada taabanaya wax yaabaha maanta dalka ka taagan, si cilmiyeysanna udawaynaya arrinkaas, waxayna isugu jireen:

  1. Xaarantinnimada dhiigga
  2. Muslimka, xaqqa culimada nolol iyo geeriba,
  3. Been abuurka,
  4. Ahmiyadda amniga iyo xasilloonida,
  5.  Is barbar dhigga Masaalixda iyo Mafaasidda,
  6.  Xuquuqda muslimiintu isku leeyihiin.

Ugu danbayntii dawrada waxaa la qabtay Dood wadaag laba dhinaca, ardayda kasoo qayb gashay iyo culumadii duruusta jeedisay, taasoo ka had laysay faa’iidooyinkay dowradaan ay ka heleen, iyo su’aalihii maan kooda ka guuxayey oo laga shaafiyay ardayda.

Dawradaan waxay qayb ka noqonaysaa hawlaha dacwo ee mu’ssasada minhaaj ay ka waddo gobolllada Puntland si looga hortago inxiraafka Qallooca diimeed iyo sidoo kale toosinta iyo hanuuninta bulshada guud ahaan, gaar ahaan dhallinyarada.

no images were found

Qofka Muslimka ahna waa inuu waaqica taagan xog ogaal u yahay, kuna hubaysan yahay cilmiga sharciga ah si uusan ugu dagmin afkaarta khaldan iyo Been abuurka lagu hayo diinta. Nuxurka dawradu ay xanbaarsanayda waa ka Hor tagga arimahaas aan so sheegnay.

Halgan.net
Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online