Mu’tamarkii 1aad ee magaalada Kampala oo caawa soo gabgaboobay

April 1, 2013 - Written by Editor

1Kampala:Waxaa caawa 2/4/2013 la soo gabagabeeyay mu’tamarkii dacawiga ahaa ee 1aad ee magaalada Kampala oo soo billowday 29/3/2013 Mutamarka gabagabadiisii waxaa dardaaranno wax ku ool ah ka soo jeediyay culimadii duruusta ka jeedinaysay Mutamarka , waxayna culimadu bulshada Soomaaliyeed ee Uganda  ku dhaqan  kula dardaarmeen in ay diintooda barashadeeda iyo ku dhaqankeeda  ku dadaalaan, iyo in ay ilaaliyaan wada jirkooda una midoobaan danohooda guud, sidoo kale waxay culimadu ku baaqeen in kulamda dacawiga  ah ee noocan oo kale ah la soo celceliyo si loo sii xoojiyo wacyi galinta diineed ee bulshada waddankan ku nool.

no images were found

Dardaarankii culimada ka dib waxaa madasha ka hadlay Sh. c/raxmaan qaasim oo u mahad celiyay dhammaanba dadkii gacanta ka geystay in mu’tamarku qabsoomo, culimo,ganacsato,gudiyada dacwada masjidka, dumarka, ururka dacwada ardaysa soomaaliyeed ee Al -ahli iyo guud ahaanba qaybaha kale duwan ee bulshada sida ballaadhan u soo buuxdhaafisay goobihii duruustu ka baxaysay. Ka dib waxaa shirka lagu soo xidhay bayaan uu  akhriyay guddoomiyaha guddiga qabanqaabada mu’tamarka Sheekh. Ibraahim Xirsi  Galow oo taabanayay qodobo badan 00 khuseeya jaaliyadda soomaaliyeed ee  ku nool wadanka Uganda iyo guud ahaanba qurba joogta soomaaliyeed.

Culimadu waxay saaka muxaadaraad ka jeediyeen Musallaha ciidda oo  baryahanba ay dumarku duruus ku qaadanyeen,waxaana muxaadaraad ka saaka  kala jeediyay Sheekh. c/raxiim Abuu cayneyn oo ka hadlay xijaabka gabadha  muslimadda ah,iyo Sheekh. Abuu Shayba oo ka hadlay sifooyinka gabadha mu’minadda ah, sidoo kale Sheekh.abuu xassaan ayaa salaaddii duhur ka dib  masjidka towxiid ka jeediyay muxaadaro ka hadleysay sidii loo diyaarin  lahaa dhallinyaro hoggaan noqota.

Salaaddii casar ka dib waxaa  masjidka towxiid ka baxday muxaadaro ka hadleysay tiirarka uu ku  taaganyahay qoyska muslimka ah, waxaana soo jeediyay Sh. Maxamad Cali  Gadhle, muxaadarada ka dibna waxay culimadu ka jawaabeen qayb ka mid ah  su’aalihii dadweynaha, salaaddii makhrib ka dibna waxaa la sii waday  fataawihii oo ay culimadu si wada jir ah uga wada qayb qaadanayeen, ka  dib 9:00kii fiidnimo ayaa la soo gabagabeeyay fataawihii, ka dibna waxaa  la guda galay dardaarankii culimada iyo soo gabagabeyntii shirka.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online