Muxaadaradii Caawa Sh Umal iyo Sh Maxamed Idiris ka jeediyeen Masjidka Tawxiid ee Copenhagen.(Dhagayso)

April 9, 2013 - Written by Editor

12Copenhagen:-Sheekh. Maxamed Cabdi Umal ayaa caawa mar kale waxaa uu muxaadaro ka jeediyey Masjidka Towxiid ee magaalada Copenhagen iyadoo muxaadaradaan ay gaar u ahayd gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Copenhagen ee caasimada dalka Danmark. Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu waano wax ku ool ah u jeediyey gabdhaha Soomaaliyeed isagoo si gaar ah ugala hadlay masuuliyada Alle saaray  kana saaran naftooda ,reerkooda oo ay ugu horeeyaan caruurtooda iyo raggooda.

Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa aad ugu dheeraaday masuuliyadda gaarka ah ee gabadha ka saaran naftooda Allena uu kula xisaabtami doono sida ay u guteen awaamirtii Alle Subxaanahu Watacaalaa siiyey oo ahaa in ay ka fogaadaan xumaanta oo ah wax naftu ay jeceshahay mar ugu danbaysana uu qofku ku halaagsamo.

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii caawa Sh Umal ka jeediyey Masjidka Towxiid ee magaalada Copenhagen

[audio:https://halgan.net/Mp3/ShUmal12.mp3]

Ama Halkan Mp3

Sh Maxamed Cabdu Umal ayaa sheegay in masuuliyada ugu horaysa ee gabdhaha muslimaadka saaran iyo bulshada oo dhan  ay tahay in ay bartaan diinta Islaamka waan tan ugu muhiimsan oo ah raasul maalka dhabta ah oo haddii qofku  arrinkaas  uu dayaco uu aduun iyo aakhiradiisa ay khatar ku jrto.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ku booriyey gabdhaha muslimaad ka in ay diinta Islaamka ay bartaan oo diintooda aysan ka noqon kuwo aan waxba ka aqoon si aakhiradoodu aysan khatar u geli oo Alle aysan ku caabudin Jahli.

Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa kale uu sheegay in masuuliyada kale ee laga rabo gabdha Muslimaadka in ay tahay in marka ay diinta bartaan ay ku dhaqmaan ka dibna ay gaarsiiyaan gabdhaha muslimaadka ah.

Muxaadarada labaad ayaa waxaa galay caawa  Sheekh Maxamed Idirs waxaana uu Sheekhu ka hadlay raacida Nabigeena Maxamed Nabadgalyo iyoNaxariis ha haato dushiisha waxaana uu Sheekh Maxamed aad ugu booriyey gabdhaha in ay diinta ku dhaqmaan.

Sheekh Maxamed Idirs Ahmed ayaa waxaa uu ku booriyey gabdha soo camiray caawa  Masjidka Al-tawxiid in ay bartaan xifdiyaana Kitaabka Alle kuna dhaqmaan  caruurtoodana ay baraan. Sheekh Maxamed Idirs ayaa sidoo kale ka hadlay waajibaadka gabdha Muslinka ah saran gaar ahaan haday leedahay guri wuxuuna ku booriyey in ay noqdaan kuwa saalixiin ah oo wanaagsan oo alle adeeca ragoodana adeeca kuna faro adeyga awlaadooda.

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii caawa Sh Maxamed Idirs ka jeediyey Masjidka Towxiid ee magaalada Copenhagen

[audio:https://halgan.net/Mp3/Sheekh_M_Idirs.mp3]

ama Halkaan ka Dhagayso

Sheekh Maxamed idirs Ahmed ayaa sidoo kale ka hadlay waajibaadka saran gabadha Muslinka wuxuuna ku booriyey in ay bartaan sharciga alle si ay u gutaan waajibaadka alle saaray oo aysan alle ku caabudin jahli ayna u istaagaan faafinta dacwada Islaamka.

 

Halgan.net
Copenhagen

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Asalmu caleykum jazaa kumulahu khayran jazaa ALLAH ha idinka cabal mariyo khayrkan baddan aad waddan culumadana ILLAH ha xifdiyo aduunka iyo Akhiraba

Leave a comment

*