Nabadoon Caan ah oo lagu dilay gudaha Masjid kun yaal Degmada Waaciye

April 21, 2013 - Written by Editor

masjidQardho:-Waxaa xalay lagu dilay tuulada Alxamdulilah oo ka tirsan Degmada Waaciye Allaha u naxariistee Nabadoon Caan ka ahaa Degmada Waaciye oo la yiraahdo Nabadoon Cumar Maxamad Axmed oo si weyn looga yaqaan Degmada Waaciye iyo Nawaaxigeeda waxaana ku dhex dilay Masjid ku yaal tuulada Alxamdulilah koox hubeyn .

Kooxda weerarka ku soo qaaday Masjidka ayaa waxaa ay sidoo kale dhaawaceen imaamkii Masjidka iyaga oo baxsaday markii ay falkan foosha xun ka geysteen gudaha Masjid ku yaal tuulada Alxamdulilah.

Gudoomiyaha Degmada Waaciye Cabdi salaan Bashiir ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dilka Allaha u naxariistee Nabadoon Cumar Maxamad Axmed wuxuuna tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Nabadoonka .

Ciidamo ka tirsan Booliska iyo Daraawiishta ayaa saaka gaaray Degmada Waaciye iyaga oo bilaabay in ay howlgalo lagu soo qabanao kooxda dishay Nabdoon Cumar Maxamed Ahmed

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay dilka Nabadoonka waxaana loo badinayaa in ay salka ku heyso aano qabiil .

M_M Deeq Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online