Nadwadii ka socotay Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso oo gashay habeenkii 3aad.[Masawiro]

April 17, 2013 - Written by Editor

_MG_9241Boosaaso:-Nadwada cilmiga ah ee ka socota masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa caawa gashay habeen keedii 3aad Nadwadaan oo socota ilaa saddex maalmood ayaa waxaa loogu magacdaray oo cinwaan looga dhigay sanadkaan “ Islaamka iyo Qabyaalada”. Muxaadarooyinka caawa masjidka ka baxay oo ay soo kala jeediyeen Sheekh C/shaafi Axmed Cali iyo Sh. Maxamed Faahiye Ciise ayaa waxaa culimadu ay ka hadleen “ Raadadka Qabyaaladda”.

Qaybta kowaad ee muxaadarada ayaa waxaa qaatay Sheekh C/Shaafi Axmed Cali, wuxuuna sharraxay raadadka muuqda ee ay qabyaaladdu ku reebtay umadda Islaamka ah gaar ahaan mujtamaca Soomaaliyeed.Sheekhu wuxuu tilmaamay in qabyaaladdu ay raadad muuqda bulshadeena ku reebtay marka loo eego si guud iyo si gaar ah labadaba, qofka qabyaaladiistaha ah ayuu xusay in uu caan ku yahay: Jees-jees, xasad, anaaniyad iyo ad-adayg. Si guud marka bulshada loo eegana wuxuu tibaaxay in raadadka qabyaaladda ay ka mid yihiin dagaallo iyo aanooyin ka dhex dhaca beelaha, faragelin shisheeye oo timaada iyo in dhibaato soo gaarto dhaqaalaha iyo isu socodka dadka.

no images were found

Ugu danbeyntii wuxuu sheekh C/shaafi sheegay in qabyaaladdu ay wax u dhinto shakhsiyadda qofka ay saameyso, iyadoo xiliyada qaar ku khasbeysa inuu isu arko qof liita, xiliyada qaarna u sahleysa in uu xaqiro dadka kale isagoo aaminaya inuu ka sareeyo.

Qaybta labaad ee muxaadarada waxaa ku qornaa Sheekh Maxamed Faahiye Ciise, sheekhu wuu isaguna wax ka taab tay asal ahaan meesha ay kasoo jeedo qabyaaladda umadda Soomaaliyeed lagu aafeeyay.Wuxuuna sheegay in culimada “cilmiga bulshadu” ay rumeysan yihiin in qabyaaladda Soomaalidu ay tahay mid ka timid miyiga, maadamaa ay Soomaalidu asal ahaan reer guuraa yihiin inta badanna ay ka dhex dhici jireen dagaallo ka kaca daaqa iyo waraabka.

Seereysiga dhulka (Ceshiimada) oo ah arin caan ka ah geyiga ay Soomaalidu degto, ayuu sheekhu tilmaamay in uu qayb ka yahay waxyaabaha fududeeya hurinta colaadaha iyo in ay qabyaaladdu sii xoogeysato.Nadwadazn cilmiga ah ayaa ah tii 11-aad ee magaalada Boosaaso lagu qabto, waxaana soo qaban qaabiyey Muassasada Al-Minhaaj oo ah urur ka shaqeeya fidinta diinta iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir
Boosaaso,Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online