Nadwadii ka socotay Masjidka Rowda ee magaalada Boosaso oo gashay habeenkii labaad[Daawomasawirad

April 17, 2013 - Written by Editor

_MG_9200Nadwada cilmiga ah ee ka socota masjidka Al-Rowda ee magaalada Boosaaso ayaa caawa waxaa ay gashay habeenkii labaad, waxaana cinwaanka guud ee nadwadu uu sanadkan yahay “ Islaamka iyo Qabyaalada”. Muxaadarooyinka caawa masjidka ka baxay oo ay soo kala jeediyeen Sheekh Cali Maxamed Cali iyo Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax ayaa waxaa cinwaan hooseed looga dhigay “ Raadadka ay Qabyaaladdu ku Reebtay Soomaaliya iyo Waxyaabaha Sababa”.Qaybta kowaad ee muxaadarada ayaa waxaa qaatay Sheekh Cali Maxamed Cali, wuxuuna sharaxay raadadka muuqda ee ay qabyaaladdu ku reebtay umadda Islaamka gaar ahaan mujtamaca Soomaaliyeed. Sheekhu wuxuu tilmaamay in qabyaaladdu ay noqotay mid laysugu faano si aad ahna laysugu xaqiro, mar uu ka hadlayey dhinacyada ay saameynta muuqata ku yeelatay wuxuu sheegay in ay ugu horeeyaan guurka iyo garsoorka.

no images were found

Ugu danbeyntii wuxuu sheekhu xusay in xeerarka garta ee Soomaalida u degsani ay yihiin kuwo xiliyada qaar xad-gudub ku ah shareecada Islaamka sababna u noqon kara naceyb iyo cadaawad ka dhex dhalata qabaa’ilka. Qaybta labaad ee muxaadarada waxaa ku qornaa sheekh Mukhtaar Axmed Faarax, sheekhu wuu isaguna ku dheeraaday waxyaabaa sababa in qabyaaladdu ay noqoto mid sal ballaaran ku leh Soomaaliya.

Qodobka ugu muhiimsan ee taas loo aaneyn karo ayuu sheekhu tibaaxay in uu yahay aqoon yarida bulshada ka heysata dhinaca sharciga Islaam ka, isagoo sheegay in qabyaaladdu ay hoos u dhigto qiimaha midnimada iyo is jacaylku bulshada ugu fadhiyaan. Waxyaabaha kale ee sababa in qabyaaladdu ay xoogeysato islamarkaana noqoto mid muddo dheer sii jirta ayaa sheekhu xusay in ay ka mid tahay barbaarinta ubadka oo ku dhex kora jewi qabyaaladeed sidaasna uu jiilba jiilka ka danbeeya ugu gudbiyo. Nedwadan cilmiga ah ayaa ah tii 11-aad ee magaalada Boosaaso lagu qabto, waxaana soo qaban qaabiyey ururka Al-Minhaaj oo ah urur ka shaqeeya fidinta diinta iyo horumarinta arimaha bulshada.

 

Siciid Maxamed Diiriye
Halgan.net,Boosaaso

 

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online