Nadwo climiyeedkii 11-aad oo caawa ka bilaabatay Masjidka Al-rowda ee magaalad Boosaaso

April 15, 2013 - Written by Editor

Nedwo 11 (3)Boosaaso:-Nadwadii sanadlaha ahayd  ayaa caawa si rasmi ah waxaa ay uga bilaabatay masjid ka Al-rowda ee magaalada Boosaaso, cinwaanka guud ee nadwada ayaa sanadkan ah waxaa loogu magacdaray “ Islaamka iyo Qabyaaladda” waxaana ka qayb gelaya qaar kamid ah culimaa’uddiinka waaweyn ee dalka Soomaaliya ee nool degaanka Puntlland.

Nadwadaan oo ah tii 11-aad, waxaa soo qaban qaabiyey muassasada Al-Minhaaj oo ah urur ka shaqeeya fidinta diinta iyo horumarinta arimaha bulshada. Cinwaanka 1-aad ee nedwada oo caawa baxay ayaa ahaa “ Micnaha Qabyaaladda, Taariikhdeeda iyo Farqiga u Dhexeeya Qabiilka iyo Qabyaaladda”, waxaana ku qornaa Sheekh Cabdiraxmaan Bukhaari iyo Sheekh Axmed Faarax Warsame (Garaase).

no images were found

Sh. Axmed Yuusuf oo isagu si rasmi ah Nadwada u furay, ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta sanadkan cinwaanka looga dhigay qabyaaladda, wuxuuna sheegay in ujeedada cinwaankaas loo doortay ay tahay, maadaama uu yahay arin taagan islamarkaana ka turjumeysa taariikhda umadda Somaaliyeed.

Qaybta koowaad ee muxaadarada caawa ayaa waxaa qaatay Sheekh Cabdiraxmaan Bukhaari, sheekhu wuxuu ku dheeraaday nusuusta sharciga ah ee ku soo aroortay qabyaaladda iyo waxa ay kitaabka qur’aanka iyo sunnada nebigu qabyaaladda ka yiraahdeen. Sheekhu wuxuu tilmaamay in waxa umadda isu keeni karaa uu yahay diinta Islaamka, balse aysan ahayn qabyaaladda, isagoo xusay in dadku ay ilaahay agtiisa ku kala qiime iyo fadli badan yihiin sida uu iimaankoodu yahay ee ay Ilaah ugu kala dhow yihiin.

“Qabiilka in laysugu faano, in lagu dagaalamo, in dhiigga lagu xalaashado kitaabka ilaaheyna lagu hooseysiiyo looma abuurin, waxa loo soo dejiyey in ay dadku isku gartaan khayrkana isugu kaalmeystaan” ayuu yiri Sheekh Bukhaari.

Ugu danbeyntii wuxuu sheekhu kelmeddiisa kusoo gaba gabeeyey in midnimada iyo baraaraha umaddu ay ku jiraan in kitaabka Rabbi iyo sunnada nebiga loo soo laabto.

Qabyta labaad ee muxaadarada waxaa qaatay Sheekh Axmed Faarax Warsame (Garaase), wuxuuna sharraxaad kooban ka bixiyey qabyaalad da, waxa ay tahay iyo inta nooc ee ay u kala baxdo. Sheekh Garaase ayaa tilmaamay in qabyaaladda ay culimada muslimiinta ee casrigani ku qeexeen:  isdifaac  ku saleysan danta ummad, urur ama qabiil gaar ihi leehay, taasoo keenta in la xaqiro xuquuqda dadka kale.

Mar uu ka hadlayey saameynta ay qabyaaladdu ku yeelatay caalamka Islaamka wuxuu sheegay in qabyaaladdu ay gashay meel walba, isagoo taas ka hadlayana wuxuu yiri: “Qabyaaladdu diinta way gashay, waxay ka gashay caqiidada iyo madaahibta, waxayna qayb ka tahay dhibaatooyinka ragaadiyey caalamka Islaamka”

Nadwadaan oo ah mid sanadle ah ayaa soo bilaabatay sanadkii 2003, waxaana soo qaban qaabiyey islamarkaana fududeeyey muassasada Al-minhaaj oo ah urur ka shaqeeya fidinta diinta iyo horumarinta arimaha bulshada.

Mu’assasada Al-minhaaj
Halgan.net, Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online