Nadwo diini ah oo ka bilaabatay Masjidka Al-hudaa ee magaalada Garoowe

April 25, 2013 - Written by Editor

nadwogarooweGaroowe:-Waxaa habeenkii khamiista oo ay  taariikhdu ahayd 15- Jamaad al-thaani 1434H oo ku beegan 25- 04- 2013 , ka bilowday muxaadarooyin taxane ah kuwaas oo  lagu qabanayo Masjidka Al-hudaa ee magaalada Garoowe ee xarunta dowllada Puntlland.Muxaadaraadkaas oo qayb ka ah xamlooyin dacawi ah oo ku saabsan in looga digo bulshada waxyaabaha dadka halliga aduunkooda iyo aakhiradooda. Muxaadaraadka iyo Nadwooyinkaan ayaa waxaa ay soo bilowdeen ,24-rabiicul aakhir -1434-H kuna eg 20-rajab- 1434-H oo ku beegan 06-03-2013 illaa 30-05-2013.

Nadwadaan loogu magacdaray : إياكم والظلم oo micnaheedu yahay iska jira Dulmiga ayaa waxaan ka qayb qaadanaya culimada iyo Ducaada kala ah:-

  1. Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf
  2. Sh Cabdirizaaq Maxamed Faarax
  3. Sh Jaamac Said Ciise
  4. Sh Cabdiqani Qorane
  5. Sh Xabiib Cabdulqaadir

Waxaa kale oo jiri doona muxaadaraad dhowr ah oo hareer socon doona Nadwadaan loona qaban doona odayaasha dhaqanka, waxgaradka , haweenka , ardayda jaamacaddaha , iyo kuwa dugsi yada sarre. Muxaadarada koowaad cinwaankeedu wuxuu ahaa الظلم مفهومه مظاهره وأسبابه waxaan soo jeediyey Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf. Sheikhu waxa uu aad uga hadlay una faahfaahiyey dulmi iyo foolxumada uu leeyahay isagoo taabtay qaybaha uu dulmigu leeyahay .

Sheekh.Maxamuud Xaaji Yuusuf waxaa uu sheegay dulmiga in ilaahay uu naftiisa ka xarrimay adoomadiisana uu dhexdooda ka xarimay in ay is dulmiyaan,isagoo soo qaatay xadiithul qudsi macnihiisu ahaa dulmiga waan is ka xarimay dhexdiina waan ka xarrimay. Dulmiga shiikhu waxaa uu ku tacriifiyey inuu yahay sheyga oo la dhigo meel aan ahayn meeshii uu ilaahay dhigay .

Sababaha ku bixiya qofku inuu dulmi ku kaco waxaa ka mid ah jahliga ku xadgudubka shareecada islaamka, dulmiga ugu weyn oo bini aadam laga galo inuu yahay dilka.

Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf waxaa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha qofka ka joojin kara dulmiga inuu ogaado qofka daalimka ah in uu ilaahay la socda oo u jeedo dulmina uu san raali ka ahayn la dulmiyo adoomadiisa cid ladulmiyaana ay ugu daran tahay culimadu. Waxaa kale oo uu Sheekhu bayaamiyey in daalinka uu ogaado in ilaahay uu u seeto dheeraynayo markuu qabtana uusan sii daynayn.

Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. acs dhamaan waan idin salaamayaa sln kadib ilaahay waxaan ugu baryin culumadeena in uu u dheereeyo cimriga tan kale ilaahay haka aabaal mariyo

Leave a comment

*