Nadwo xalay ka bilaabatay Masaajidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa

April 11, 2013 - Written by Editor

SAM_0133Hargeysa:-Xalay  oo  taariikhdu  ahayd  29/5/1434  waafaqsana  10/4/2013   ayaa waxaa ay nadwo cilmiyeed ka bilaabatay Masjidka Cali Mataan ee bartamaha Magaalada Hargeysa ka ,Nadwadan oo   ciwaankeedu  ahaa  ka digida  waxyaabaha  dadka  halaaga  ayaaa  xalay  waxa  lagaga  hadlay    الظلم  و أنواعه  dulmiga  iyo  noocyadiisa  muxaadarooyinka ayaa  waxay socdeen   muddo  laba  saacad  ah  waxaana  ka mid  ahaa  culimadii  ka hadashay.

Sheekh Cali Faarax Shire wuxuuna aad ugu dheeraaday dulmiga  iyo  khatartiisa  Waxa  kale  oo  ka hadlay  nadwadan  Sheekh C/laahi Maxamed Ibraahim oo  ka mida  culimada  magaalada  Hargeysa   waxa  uu   ka  hadlay raadka  xun  ee  uu  ka  tago  dulmigu  iyo  cuquubada  ka  dhalata  dulmiga waxa  uu  sidoo kale sheekhu  tilmaamay  raadadka  xunxun  ee  uu  lee yahay  quluwigu iyo in diinta lagu xadgudbo.

Nadwadan  ayaa waxa  soo  qaban  qaabiyey  soona  agaasima  Mu,asasada  Al-Karam ee  dacwada  iyo horumarka oo  Mu,asasada  u taagan dardargalinta dacwada iyo Manhajka Salafka waxaana xarunteeda ay ku taal magaalada Hargeysa.

Waxa  la  filayaa in  ay Nadwada sii socoto caawa iyo habeen danbe waxaana muxaadarooyin iyo tawjiihaad ka jeedin doono culumada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta inshalaah muxaadaradaadka culumada ay ka jeedshaan nadwada ka socda Masjidka Cali Mataan ee Hargeysa.

Halgan.net
Mu,asasada  Al-Karam ee  dacwada  iyo horumarka

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online