Nadwooyin diini ah oo ka socday Masjidka Cali Mataan oo la soo gebagabeeyey
April 16, 2013 - Written by EditorHargeysa:- Waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday Masjidka Cali Mataan ee ku yaal Badhtamaha magaalada Hargeysa nadwo cilmiyeed diini ah oo ay ka qayb galayeen culimo iyo ducaad kale duwan, Nadwo cilmiyeedkaan ayaa waxaa loogu magacdaray oo cinwaan looga dhigay “Ka digitaanka wax yaabaha wax halaaga” التحذير من المهلكات) , culimada iyo ducaad ka qayb qaadanayey Nadwadaan ddiniga ah ayaa waxaa ay qaadaadhigeen mowduucyo muhiim oo ay ka mid ahaayeen qabyaalada iyo xadgudubka diint.
Nadawadaan diiniga ah oo aad looga faa’iidaystay culimada iyo ducaadii duruusta bixinaysay ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne fara badan oo baahi u qabay in ay wax ka bartaan kana faa’iidaystaan culimadooda, Culimada muxaadaraadka iyo duruusta ka bixinayey Nadwadaan ayaa waxaa ay ahaayeen culimada waaweyn ee ku nool magaalada Hargeysa.
Waxaa kale oo xusid mudan in culimada iyo ducaada ay sidoo kale ku qabteen isla Masjidka Cali Mataan Nadwo kale oo iyadana loogu magac daray “Dhibaatada Dulmiga iyo Maandooriyaha” الظلم – والمخدرات , culimadii Nadwadaan iyo kuwii kale ee ka dhacay Masjidka Cali Mataan ka qayb qaatay waxaa ka mid ah.
1- Sh.Cawil Faatax Shire
2- Sh.C/laahi Ibraahim Yuusuf (abu mucaali )
3- Sh.Ismaaciil C/laahi Jaamac
4- Sh.Yuusuf Aadam Maxamad
5- Sh.Aabi Cali Maxamad
6- Dr ismaacil Ownuur
Muxaadaraadka iyo towjiihaad ay culimada ka jeediyeen Nadwo cilimyeedkii diiniga ahaa ee ka dhacay Masjidka Cali Mataan ayaan dib idinkaga soo gudbin doonaa insha allaahu
Halgan.net