Nadwooyin diini ah oo ka socday Masjidka Cali Mataan oo la soo gebagabeeyey

April 16, 2013 - Written by Editor

dsc01674Hargeysa:- Waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday Masjidka Cali Mataan ee ku yaal Badhtamaha magaalada Hargeysa  nadwo cilmiyeed diini ah oo ay ka qayb galayeen culimo iyo ducaad kale duwan, Nadwo cilmiyeedkaan ayaa waxaa loogu magacdaray oo cinwaan looga dhigay “Ka digitaanka wax yaabaha wax halaaga” التحذير من  المهلكات) , culimada iyo ducaad ka qayb qaadanayey Nadwadaan ddiniga ah ayaa waxaa ay qaadaadhigeen mowduucyo muhiim oo ay ka mid ahaayeen qabyaalada iyo xadgudubka diint.

Nadawadaan diiniga ah oo aad looga faa’iidaystay culimada iyo ducaadii  duruusta bixinaysay ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne  fara badan oo baahi u qabay in ay wax ka bartaan kana faa’iidaystaan culimadooda, Culimada muxaadaraadka iyo duruusta ka bixinayey Nadwadaan ayaa waxaa ay ahaayeen culimada waaweyn ee ku nool magaalada Hargeysa.

Waxaa  kale oo xusid mudan in culimada iyo ducaada  ay sidoo kale ku qabteen isla Masjidka Cali Mataan Nadwo kale oo iyadana loogu magac daray “Dhibaatada Dulmiga iyo Maandooriyaha”  الظلم – والمخدرات , culimadii Nadwadaan iyo kuwii kale ee ka dhacay Masjidka Cali Mataan ka qayb qaatay waxaa ka mid ah.

1-      Sh.Cawil  Faatax  Shire

2-      Sh.C/laahi  Ibraahim  Yuusuf  (abu mucaali  )

3-      Sh.Ismaaciil  C/laahi  Jaamac

4-      Sh.Yuusuf  Aadam  Maxamad

5-      Sh.Aabi  Cali  Maxamad

6-      Dr ismaacil    Ownuur

Muxaadaraadka iyo towjiihaad ay culimada ka jeediyeen Nadwo cilimyeedkii diiniga ahaa ee ka dhacay Masjidka Cali Mataan ayaan dib idinkaga soo gudbin doonaa insha allaahu

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online