Puntland oo Albaabada u Laabtay Radio Daljir, Codka Nabadda iyo Radio One Nation

April 3, 2013 - Written by Editor

puntlandBoosaaso:-Maamulka Puntland ayaa maanta Albaabada u laabtay saddex idaacadood oo ka howlgala gudaha deeggaannada Puntland waxaana ay kala yihiin ,Radio Daljir, Codka Nabadda iyo Radio One Nation, warqada lagu xiray idaacadahan ayaa waxaa ku saxiixan wasiirka wasaaradda Warfaafinta ee Puntland iyo taliska booliska, waxaana lagu amray in laga bilaabo maanta 12-kii duhurnimo ay damiyaan.

Dowlada Puntland ayaa ku eedeysay idaacadaha albaabada loo laabay maanta in ay jabiyeen amar hore loo soo saaray oo sheegayay inay joojiyaan baahinta idaacado kale oo sii mara saddexdan idaacadood oo aan xarumo ku laheyn deegaannada dowlada Puntland waxaana ka mid ah Radio Bar-Kulan iyo idaacad kale oo ka howlgasha magaalada Hargeysa.

no images were found

Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa horay u  mamnuucday Idaacadii Horseed Media oo ilaa haatan xiran .Agaasimayaasha idaacadaha Radio Daljir, Codka Nabadda iyo Radio One Nation ayaa iska fogeeyey dhamaan eeda uga timid Wasaaradda warfaafinta  dowlada Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online