Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ee dalka Kenya oo lagu dhawaaqay
April 23, 2013 - Written by EditorKenya:-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay qaar ka mid ah golahiisa wasiirada waxaana uu markii ugu horeysay loo doortay wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya Aamina Maxamed .
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay 4 wasiir waxayna kala yihiin.
1) Henry K.Rotich – wasiirka maaliyada
2)Aamina Maxamed -Wasiirka Arimaha dibada.
3)James Wainaina Macharia- wasiirka Caafimaadka
4)Fred Matiangi-wasiirka warfaafinta, isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale shaaciyey in uu soo dhameystiri doona dhawaan wasiirada dhiman .
C/Casiis Maxamed
Halgan.net