Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay goordhow magaalada Boston ee dalka Mareykanka[Daawo]

April 15, 2013 - Written by Editor

5Boston :-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boston ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Qaraxyo waaweyn ay ka dhaceen halkaas gaar ahaan goob ay ka socotay  tartan orod oo loogu magac darey Boston Marathon waxaana qaraxyada ka dhashay khasaaro kala duwan. Wakaaladaha wararka ee AFP ayaa sheegtay in qaraxa uu sababay khasaaro kala duwan ka dib markii laba qarax oo xooggan laga maqalay goobta ay ka socotay tartanka oradka waxaana jira dhimasho iyo dhaawac .

no images were found

Ciidamada amaanka ayaa isku gadaamay garoonka uu ka socday oradka Marathon waxaana ilaa haatan socda gurmad loo sameynayo dadka uu gaaray khasaaraha kala duwan.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dhimashada ay mareysao 2 qof halka dhaawaca uu sii marayo ilaa 23 qof.

Hoos ka Daawo Qaraxii ka dhacay magaalada Boston ee dalka Mareykanka

Source sawirada Reuters  iyo Foxenews
C/Casiis Maxamed
,Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. rabi ha cirib tiro maraykan iyo xulufadisa

Leave a comment

*