Weerar Lagu qaaday dhismaha Maxkamadda gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho

April 14, 2013 - Written by Editor

qaraxMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen maanta duhurkii dhismaha maxkamadda gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaana weerarka ka dhashay khasaaare kala duwan.

Weerarka lagu qaaday maanta dhismaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ku bilaawday Qarax weyn oo ka dhacay banaanka dhismaha waxaana xigay  rasaas xooggan oo ragga hubeysani ay fureen ka hor intaaney gudaha u gelin dhismaha maxkamadda gobalka Banaadir.

Ilaa hadda si rasmi ah looma yaqaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, lagu qaaday dhismaha Maxkamadda gobolka Banaadir balse warar hordhac ah ayaa sheegaya in labo ka tirsan dableydii weerarka geysatay ay dhinteen waxaana ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan ciidanka Booliska DFS.

Ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM ayaa ku hareereysan dhismaha Maxkamadda gobolka Banaadir,waxaana la maqlayaa rasaas .
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka maanta lagu qaaday  dhismaha Maxkamadda gobolka Banaadir.

Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay jiraan khasaaro gaaray dad rayid ah iyo ciidamada ka tirsan Booliska DFS waxaana dhimashu ay haatan mareysaa ilaa 7qof.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online