Dadkii loo haystay dilkii Sh Dr Axmed xaaji C/raxmaan oo lagu fuliyey dil toogasho ah

April 30, 2013 - Written by Editor

maxkamadaBoosaaso:-Warar hadda ku soo dhacay xafiiska warqabadka ee Halgan.net ayaa sheegay in maanta dil toogasho ah lagu fuliyey ilaa 13 ka mid ah amniyaadka ururka Al-shabaab ayna ku jiraan ilaa 4 ka mid ah kuwii loo hays tay  dilkii Dr Ax med Xaaji Cabdiraxmaan allaha u naxariistee.

13 qof ee  dilka lagu fuliyey saaka ayaa waxaa ay Maxkamada ciidan ka qalabla sidda ee dowllada Puntlland ay ku xukuntay dil toogasho ah ka dib markii lagu eedyey in ay ka danbeeyeen dilkii foosha xumaa ee loo geystay allaha u naxariistee Sh.Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyo Taliyaha aaga Galgala ciidanka Puntlland Halac oo lagu dilay isagoo timaha jaranaya. Markii ay toogashadu ay bilaabatay ayaa xabadihii faraha badnaa o ay ridayeen ciidanku waxaa mid ka mid ah ku soo laabaty Saraal ka tirsanaa ciidanka Booliska oo goobta ku sugnaa waxaan soo gaaray dhaawac uu markii danbe uu u geeriyooday

Wasiirka amniga ee Puntlland Gen Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa xaqiijiyey geerida  Sarkaalkaan oo uu sheegay in xabad uu riday askari ay dib ugu soo laabatay wuxuuna tacsi u diray shacabka Puntlland iyo ehelada uu ka geeri yooday Sarkaalkaan.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidamada Puntland Cabdi kariim Xasan Firdhiyeayaa saxaafada u sheegay kadib markii dilka lagu fuliyey eedeysanayaasha loo heystay dilka Sheekh Dr Ahmed Xaaji waxaana uu xaqiijiyey in dilka la fuliyey ka dib markii uu saxiixay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole. Cabdi kariim Xasan Firdhiye Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in raga maanta la toogtay ay ku jiraa dhalinyaro dilal ka fulisay magaalada Boosaaso iyaga oo laayey waxgarad  ,Isimo, Saraakiil ,iyo Culumo.

Waxaa sidoo kale xabsiga magaalada Garoowe ku xiran dad gaaraya ilaa 20 qof oo loo heysto dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah oo lagu dilay gudaha Masjidka Bader xili uu ku jiray salaadii casar rakcadii ugu danbeysay .

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

 

11 Comments so far

Leave a comment

  1. masha alaahu waxan aad ugu farax sanahay wixii islamka arqaladeyenayo in wadanka laga wayo dadka ay dhibeyeso diinta dhameyenayo culumada wax ku olkii umadodhan ilaah hanag qabto wan tager sanahay indulmi falasha la tuso waxay gesten alen han dhafiyo aamiin

  2. Somaali waxaa ku ira dad wanaagsan base maanta la waayi maayo dad qabyaalad gacan ku dhiiglayaasha ugu hiiliya waxaanu waxgardka culimada iyo maamulka ka codsan in lawada khaariiyo cidii qabyaalad iyo dulmi umada dhex keenta maanta waxaan qqabaa puntland dhamaan waa lagu farxay in cadaalada lagu oogay kuwii dulmiga falay.

  3. walaalha halgan allaah ha idin dhowro waxaana idinku eclahay saad diinta ale u garab istaagteen iyo dadkeeda guuleysta oo aduunkana wanaag akhrona jano.

  4. waa guul iyo wax lagu farxo cadowgii indhaha naga tiray in la laayo waxaana oran lahaa haku qusteen intii kale ee wax ma gardka ahayd marhoraana la rabay in falkaas la fuliyo caafimaad ayaan ka helay waridiintii dhalayana waxaan filayaa in ay maanta guul joogaan hadii la dhaafiyey gacan ku dhiiglayaashii somali ugu foosha xumaa waxaana ale uga baryin waridiintaas in uu inta kale u xifdiyo iyana ay xaqqdarada iska ilashaan.

  5. asasamu calaykum waa xaqii culumada oo ilahy soo dadajiyaay ilaahay baa mahadleh dawlada puntiland waa guulaysatay

  6. Waa arin lagu farxo cadalada u sameeyay maamulka puntland
    Waxaa iyana layaab ah dhiig yacab cali dheere oo u hanjabaya puntland
    Laf timir ba ku jirta, hadi tuhmnayaashi la qabtay ictiraafeen oo guddi dadki uu ka dhashay dr axmed xaji c/rixman so ogadeen
    ali dheere maxa ka xanaajiyay aan ka aheyn gacan iyo meel bugta is og
    waxa uu ogyahay iney aahyeen mujrimiinta axmed godane

  7. Ilaahay cadaalada waa jecelyahay!

  8. waxaan u arkaa guul usoo hoyatey somalio khaas ahaan puntland cadwgaas culimada iyo wax garadka soomaaliyeed laayey aanan uaaba yeelayn ciyaal dumar oday culimo xayawaan i,w.m waana fikir guracan oo dibada laga keeney,

  9. asc. waa cadaalad aad u fiican maamulka puntland jazaka allahu khayr

  10. asalaamu calaykum warax ma tullahi wabarkaatuh
    bacda salaan waxaan aad usalaamayaa maamulka
    shabakada halgan.net bacda salaan
    waxaanu leenahay wixii sh.D/ahmed haji abdirahman
    dilay ama dilkiisii ka danbeeyey
    waxaanu illaahay uuga baryeynaa
    labada daroodba ku dulleeyo isagana illahay
    qabrigisa ha uwaasiciyo iyo sh.abdulqadir nur farah
    labadoodaba
    wasalaamu calayku warahma tulahi wabarakatuh

  11. aad baan usoo dhawaynayaa dilka lagu fuliyay gacan ku dhiiglayaasha, in lala dahay baana qabaa, waxaa xaq inay dhadhamiyaan wixii ay dhadhansiiyeen dadkii ay laayeen, walibana sidaa looga hari maayo maxkamaddii Ilaahayna waa sugaysaa.waxay ila tahay maanta jawaan waa hayaan inay mujaahidiin ahaayeen oo janno shaqaysteen iyo inay jidka kale raaceen, laakiin hadli maayaan ee wax badan bay sheegi lahaayeen waana udigi lahaayeen kuwo kale oo Godane ugu sheekeeyay dadka indhaha kasoo tuura jannaa lagu galaayaaye.

Leave a comment

*