Dadkii loo haystay dilkii Sh Dr Axmed xaaji C/raxmaan oo lagu fuliyey dil toogasho ah
April 30, 2013 - Written by Editor
Boosaaso:-Warar hadda ku soo dhacay xafiiska warqabadka ee Halgan.net ayaa sheegay in maanta dil toogasho ah lagu fuliyey ilaa 13 ka mid ah amniyaadka ururka Al-shabaab ayna ku jiraan ilaa 4 ka mid ah kuwii loo hays tay dilkii Dr Ax med Xaaji Cabdiraxmaan allaha u naxariistee.
13 qof ee dilka lagu fuliyey saaka ayaa waxaa ay Maxkamada ciidan ka qalabla sidda ee dowllada Puntlland ay ku xukuntay dil toogasho ah ka dib markii lagu eedyey in ay ka danbeeyeen dilkii foosha xumaa ee loo geystay allaha u naxariistee Sh.Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyo Taliyaha aaga Galgala ciidanka Puntlland Halac oo lagu dilay isagoo timaha jaranaya. Markii ay toogashadu ay bilaabatay ayaa xabadihii faraha badnaa o ay ridayeen ciidanku waxaa mid ka mid ah ku soo laabaty Saraal ka tirsanaa ciidanka Booliska oo goobta ku sugnaa waxaan soo gaaray dhaawac uu markii danbe uu u geeriyooday
Wasiirka amniga ee Puntlland Gen Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa xaqiijiyey geerida Sarkaalkaan oo uu sheegay in xabad uu riday askari ay dib ugu soo laabatay wuxuuna tacsi u diray shacabka Puntlland iyo ehelada uu ka geeri yooday Sarkaalkaan.
Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidamada Puntland Cabdi kariim Xasan Firdhiyeayaa saxaafada u sheegay kadib markii dilka lagu fuliyey eedeysanayaasha loo heystay dilka Sheekh Dr Ahmed Xaaji waxaana uu xaqiijiyey in dilka la fuliyey ka dib markii uu saxiixay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole. Cabdi kariim Xasan Firdhiye Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in raga maanta la toogtay ay ku jiraa dhalinyaro dilal ka fulisay magaalada Boosaaso iyaga oo laayey waxgarad ,Isimo, Saraakiil ,iyo Culumo.
Waxaa sidoo kale xabsiga magaalada Garoowe ku xiran dad gaaraya ilaa 20 qof oo loo heysto dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah oo lagu dilay gudaha Masjidka Bader xili uu ku jiray salaadii casar rakcadii ugu danbeysay .
M_M_Deeq
Halgan.net

.gif)

