Ra’iisal Wasaaraha DFS oo cambaareeyey dilkii wariye Maxamed Ibraahim Raage

April 22, 2013 - Written by Editor

saacid1Muqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Fedaraaliga ah ee Soomaaliya muddane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta si kulul u cambaareeyay dilkii foosha xumaa ee loo gaystay Wariye Maxamed Ibrahim Raage oo koox hubaysani ku dileen xaafada Dharkeynley ee duleedka Muqdisho, fiidnimadii Axada. Wariyaha ayaa kamid ahaa suxufiyinta Telefeshinka iyo Idaacada Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii, iyo qaraabadii wariyaha asagoo sidoo kale u tacsiyeeyay bahda saxaafada Soomaaliyeed gaar ahaan asxaabta Telefeshinka iyo Idaacada Qaranaka ee uu wariye Maxamed Ibrahim la shaqaynayay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku tilmamay falkaas mid naxariis daro oo aan loo nisbayn karin Diinta Islaamka isla markaana aan raad ku lahayn dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaana uu ku celiyay balanqaadkii dawladdu ay ku bixinaysay abaal-marinta dhan $50,000 (kontanka kun oo Doolar) ee ku aadanayd soo gacan-galinta iyo soo gudbinta xogta la xiriirta dambiilayaasha bartilmaameedsada suxufiyiinta Soomaaliyeed. Waxaana uu cadeeyay inay dawladdu la dagaalami doonto kuwa gumaadka ku haya maskaxda iyo xooga fiyow ee Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online