Ra’iisal Wasaaraha DFS oo la kulmay madaxweynaha Yugandha Yuweri Museveni.[War-saxaafadeed]
April 10, 2013 - Written by Editor
no images were found
“Maadaama nalaka qaaday xayiraadii hubka ee saarneyd dalka, waxaan ku dadaaleynaa inaan ciidamadeena qalabeyno isla markaana tayeyno, welise ma aanaan gaarin heer aanu ka maarano taakulada ciidamada Yugandha oo ah kuwa ugu badan ee qeybta ka ah howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM” ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaaraha isaga oo si gaar ah uga mahadceliyay taageerada Yugandha.
Dhanka kale, madaxweynaha dalka Yugandha Yuweri Museveni ayaa uga mahadceliyay booqashada Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa, wuxuuna ku celiyay in dawladdiisu ay garab taagan tahay dawladda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in ciidankiisu ay diyaar u yihiin inay nabadda sugaan tan iyo inta ay ciidamada xoogga Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegayaan sugida ammaanka iyo xasilinta.
“Waa lagama maarmaan in la sugo amniga goobaha muhiimka ah iyo dalka oo dhan si loo illaaliyo xaquuqda dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Museveni oo dhanka kale xusay inuu diyaar u yahay inuu si dhow ugala shaqeeyo dawladda Soomaaliya la dagaalanka argagixisada.
—
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Kampala, Uganda