Ra’iisal Wasaaraha DFS oo si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Bujumbura ee dalka Burundi.

April 11, 2013 - Written by Editor

photo_(12)Bujumbura:-Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka amba baxay magaalada Kampala ee dalka Yugandha, ayaa gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi. Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi Marwo Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi iyo xubno la taliyeyaal ah ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey madaxweyne kuxigeenka koowaad ee dalka Burundi Gervais Rufyikiri, xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo xildhibaano waxaana garoonka salaan ku siiyay cutubyo ka tirsan ciidamada Burundi.

Ra’iisal Wasaaraha oo warbaahinta la hadlay markii uu soo gaaray garoonka ayaa sheegay in booqashadan ay qeyb ka tahay booqasho uu ku soo maray dalalka ay ciidamada nabad illaalinta ah ka joogaan Soomaaliya, sida Jabuuti, Itoobiya, Yugandha, isaga oo xusay in dalka Burundi oo isna qeyb muhiim ah ka ah ciidanka AMISOM uu kala hadli doono arrimo ku aadan xiriirka labada wadan iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo horumarka.

no images were found

“Dalka Burundi waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oo qeyb ka ah howlgalka nabad illaalinta ee AMISOM, waxaana dooneynaa inaan xoojino xiriirkeena, waxaana ka wada hadli doonaa arrimo badan oo khuseeya nabadda iyo iskaashiga labada wadan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa la filayaa in socdaalkiisa uu ku soo gabagabeeyo dalka Burundi, isagoo soo maray dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.
Gara Salad Hersi
Press officer, PM office
Bujumbura, Burundi

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online