Ra’iisal Wasaaraha JFS iyo Xoghaya Arrimaha Dibedda ee UK oo Muqdishu ku kulmay.

April 25, 2013 - Written by Editor

Hague-+ShirdoonMuqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta magaalda Muqdisho ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Midawdey (UK) Mr. William Hague oo ay ka wada hadleen horumarka cusub ee Soomaaliya iyo doorka muhiimka ah ee dawladda UK ku leedahay arrimaha Soomaaliya .

“Soomaaliya waxay gashay weji cusub oo horumarineed, caalamkuna waa inuu sidaas u ogaadaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo William uga mahadceliyay booqashadiisa 2aad ee uu dalka Soomaaliya ku yimid. Waxaana uu Ra’iisal Wasaaruhu u sheegay wafida Ingiriiska ee uu Mr. Hague horkacayo in talaabada dawladda UK ee la xariirta booqashdan iyo furitaanka safaarada UK yihiin mid tusaale u ah caalamka intiisa kale inay ku dhiiradaan inay dalka Soomaaliya yimaaddaan.

Kulanka Ra’iisal Wasaaraha Cabdi Faarax Shirdoon iyo Xoghaya Arrimaha Dibadda UK William Hague ayaa waxaa kale oo looga wada hadlay arrimaha xuquuqul insaanka ee la xariira kufsiga iyo xadgudubyada kale. Arrimhan ayuu sheegay Mr. Hague inay muhiimad gooni ah u leeyihiin dalalka ku bahoobay G8 ee xilligan gudoonkooda dawladda UK hayso. Waxaana uu Ra’iisal Wasaaruhu tilmaamay dadaalka ay xukuumaddiisu ugu jirto ilaalinta xuquuqda aadanaha ee gudaha Soomaaliya.

“Kufsiga iyo xadgudubyada kale ee ka dhanka ah haweenka iyo carruurtu waa kuwo aan wax raad ah ku lahayn diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed, mana ahan waxaan u dulqaadan karno gabi ahaanba,” Ra’iisal Wasaaraha ayaa intaas ku daray inay dawladdu samaysay guddi Xuquuqul Insaan oo ka hawl-gala sidii ay wax uga badali lahaayeen xaalada banii’aadanimo ee dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha iyo Xoghaya Arrimaha Dibadda ee UK ayaa ka wada hadlay muhiimadda shirka arrimaha Somaaliya ee London. Waxaana Ra’iisal Wasaaraha oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Wasiirka Arrimaha Bulshada Maryan Qaasim ay xuseen in dawladda Soomaaliya ay ku hanweyntahay shirka London. Waxaana ay sheegeen inay rajaynayaan in caalamku taageero qorshaha ku aadan Amniga iyo horumarka dalka ee dawladdu shirka London ka soo bandhigayso. Waxana uu kulankii labada dhinac ku dhamaaday is-faham buuxa iyo ballan-qaadyo ku aadan wada shaqeynta labda wadan ee UK iyo Soomaaliya.

DHAMAAD
Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online